4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 11, 2014
Ahlusunna oo Shacabka ugu baaqday inay la shaqeeyaan Ciidanka Dowladda

Jimco, Abriil 11, 2014 (HOL) — Culumaa'uddiinka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada laga saaray Al-shabaab, inay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, ayna ka faa’iideystaan isbedelka dhacay.

Qoraal ay maanta soo saareen guddiga golaha sare ee Ahlusunna Waljamaaca uuna ku saxiixnaa, Sheekh Maxamed C/raxmaan Xasan ayaa loogu sheegay in shacabka ay ka shaqeeyaan sidii deegaannadooda ay nabad ku noqon lahaayeen ayna dowladda kusoo wargeliyaan khatar walba oo ay arkaan.

"Shacabku waa inay ka shaqeeyaan sidii ammaanka deegaannadooda ay uga shaqeyn lahaayeen," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Ahlusuna Waljamaaca, iyagoo intaas ku daray inaysan ka baqin hanjabaadaha kaga imaanaya Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale, qoraalka Ahlusunna waxaa lagu sheegay in haddii shacabka ay is-kaashadaan ay ka adkaan karaan kuwa u hanjabaya, isla markaana ay si dhab ah uga shaqeyn karaan amniga deegaannadooda iyagoo kaashanaya ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee deegaannadooda ku sugan.

Ahlu-sunna waxay si gaar ah baaqan ugu direen dadka ku nool deegaannada ay ka mid yihiin: Ceelbuur, Ceel Qooxle, Wabxo iyo deegaannada kale inay ciidanka wadajirka ah kala shaqeeyaan kala shaqeeyaan sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-shabaab.

Baaqan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Ahlusunna ay horay u diidday inay ka qaybqaadato dagaallada ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah kuwa AMISOM kula jiraan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya