4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 11, 2014
Kenya oo sheegtay inay xoog kusoo furatay Kenyaan u Afduubnaa Al-shabaab

Jimco, Abriil 11, 2014 (HOL) — Ciidamada Kenya ayaa sheegay in laba ruux oo Kenyaan ah oo illaa sannadkii 2011-kii u afduubnaa Xarakada Al-shabaab ay maanta xoog ku soo furteen, kuwaasoo haatan caafimaadkooda lagu baarayo Dhoobley.

Afhayeenka milateriga Kenya, Willy Wesonga ayaa sheegay in ciidamadooda ka tirsan AMISOM oo kaashanaya kuwa maamulka KMG ah ee Jubba ay xoog kusoo furteen, Daniel Njuguna iyo James Kiarie Gichuhi Khamiistii shalay, ayna dib ugu celinayaan Kenya Sabtida berri ah.

“Ciidamadeenna ka tirsan AMISOM oo kaashanaya kuwa Jubbaland waxay xoog kusoo furteen Khamiistii labadan ruux. Waxaana labadan ruux ay u shaqeynayeen hay’ado samafal, waxaana baaritaan caafimaad oo 24-saac qaadanaya uu uga socdaan deegaanka Dhoobley, waxaana berri oo Sabti ah u dhoofin doonnaa Nairobi,” ayuu yiri Wesonga.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu xusay in labadan ruux ay afduubnaayeen tan iyo sannadkii 2011, isagoo xusay in Al-shabaab ay ka afduubtay gudaha dalka Kenya, kaddib weerar ay ku qaadeen.

Afhayeenka ayaa sheegay in Nijuguna oo 28-jir ah iyo Gichuhi oo 52-jir ah ayaa tan iyo 2011 ay Al-shabaab u afduubnaayeen, laguna haystay gudaha dalka Soomaaliya. Waxaana la sheegay inay labadan ruux u kala shaqeynayeen CARE International iyo hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn MSF.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in labadan ruux ay qaateen diinta Islaamka ayna u bixiyeen magacyada C/raxmaan iyo Cabdullaahi ayna u ogolaadeen inay aadaan meeshii ay doonaan. Balse ma jirto hadal arrinta ku aaddan oo kasoo baaxay Al-shabaab.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu eedeysay Al-shabaab inay gudaha Kenya ka geysatay afduubyo, dilal qorsheysan, qaraxyo iyo weerarro toos ah. Iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli ay ciidamada amniga Kenya ka wadaan Nairobi howl-gal ay ku qabqabanayaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool.

Intii lagu jiray sannadkii 2011, tiro ka mid ah shaqaalaha hay’adaha samafalka ee ka howlgala gudaha dalka Kenya, kuwaasoo qaarkood ay sii daysay kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya, dhammaadkii sannadkii 2011, Al-shabaab waxay gudaha dalkaas ka geysanaysay weerarro kala duwan, kuwaasoo uu ku jiray weerarkii Westgate Mall oo dhacay sannadkii hore kaasoo ay ku dhinteen 67-qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya