4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 11, 2014
Ciidamada dowladda Somalia oo banneeyay Aagag ku yaalla Gobolka Gedo

Jimco, Abriil 11, 2014 (HOL) — Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay inay ciidamadu banneeyeen aagag ay uga horjeedeen Al-shabaab, taasoo ay u sababeeyeen inay waayeen xuquuqaadkii ay ku lahaayeen dowladda.

Gobolka Gedo ayaa wuxuu ka mid yahay kuwii ay ciidamada dowladda iyo AMISOM kula dagaalameen Al-shabaab, iyagoo dagaalladaas ku qabsaday degmada Buur-dhuubo oo ka mid ahayd labadii degmo ee ay Al-shabaab kaga sugnayd gobolkaas.

“Ciidamadu waxay banneeyeen qaybo ka mid ah jiidaha ay uga horjeedeen Al-shabaab, sababtoo ah ma jiraan wax xuquuq ah oo ay ciidamadu ka helaan dowladda,” ayuu yiri Cabdi Maxamed Cabdi oo u warramayay idaacadaha Muqdisho.

Sidoo kale, sarkaalku wuxuu sheegay in ciidamada dowladdu ay dhowr jeer codsiyo ku aaddan inay xuquuqdooda helaan u direen madaxa dowladda, basle aysan jirin wax jawaab ah oo laga soo siiyay.

“Aagag badan ayaa bannaan, kuwaasoo ay ciidamadu ka baxeen, mana garanayno waxa xigi doona,” ayuu yiri sarkaalka oo aan sheegin in haddii ay xuquuqdooda helaan ay ku laabanayaan aagaggii dagaalka iyo in kale.

Xarakada Al-shabaab ayaa isku dayaysa inay ciidamada dowladda iyo kuwa dalka Itoobiya ka socda ee AMISOM ka tirsan ay ka difaacato degmada Baardheere oo ah degmada keliya ee ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

Maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa horay u sheegay in fariimo cabasho ah oo ku aaddan dhinaca ciidamada ay u direen dowladda dhexe ee Somalia balse aysan jirin wax wajaabo ah oo laga soo siiyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya