4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 11, 2014
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Somaliland oo Tababar loosoo xiray (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 11, 2014 (HOL) — 117 Sarkaal, ayaa Tababar Loogu Soo Xidhay Kuuliyada Cabdilaahi Askar Ee Tababarka Saraakiisha Ciidanka Milatariga Somaliland.

Munaasibad balaadhan oo saraakiisha ka baxday kuuliyadan Tababarka ciidanka ee deegaanka Darerwayne ayaa waxa ka soo qayb galay taliyaha guud ee ciidamada Milatariga Somalliland sareeye gaas Ismaaciil Shaqale ,Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Laanta Socdaalka, saraakiil iyo hogaano ka socday qaybaha kala duwan ee ciidamada tababarka dhamaystay .

Saraakiisha tababarkan dhamaystay ayaa isugu jiray Ciidanka MilitarigaCiidanka Asluubta,Ciidanka Ilaalada MadaxtooyadaIyo Ciidanka Laanta Socdaalka.

Hoggaanka tababarka ciidanka Qaranka Gaashaanle Sare Axmed Cali Maxamed ayaa ka warbixiyay ujeedada tababarkan waxaanu sheegay in kor loogu qaadayo heerka aqoonta saraakiisha, taas oo la barayo qaabka u haboon ee hogaaminta Ciidanka, sidoo kale waxa la barayaa saraakiisha waajibaadkooda si ay awood ugu helaan fulinta hawlaha taliye nimo iyo  in lasoo celiyo nidaamka wanaagsan ee habdhaqanka ciidanimo lagana baxo dhaqankii jabhadnimada.

Taliyaha guud ee ciidamada Milatariga Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale ayaa u mahadnaqay dhamaan saraakiisha tababarkan dhamaystay, waxaanu amaan usoo jeediyey Madaxwaynaha Somaliland oo uu sheegay inuu ku dhiiraday hirgalinta darajooyinka ciidamada.

Taliyaha ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa isna sheegay in ciidan asluub ahaan ay ku faraxsanyihiin in 10 sarkaal oo ka mida ciidanka asluubtu ay tababarkan dhamaystaan, isagoo balan qaaday in saaraakiil heer jaamacadeed ah ay soo galin doonan kuuliyadan tababarka saraakiisha ciidanka qaranka, waxaanu ku amaanay guud ahaan saraakiisha tababarka ka dhamaystay kuuliyadan mudadii lixda bilood ahayd ee ay u dhabar adaygeen waxbarashada kuuliyada ka socotay.

Waxaa iyaguna munaasibadan hadalo guubaabo iyo dhiiri galin isuu jira ka jeediyay taliye ku xigeenka ciidanka laanta socdaalka Gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan (Sablaale)Iyo Kabtan Axmed Jaamac Goray (Alyoos)Oo Kamida Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, waxaanay dhamaantood soo dhaweeyeen dedaalka ka socda kuuliyada tababarka saraakiisha ciidanka ee cabdilaahi askar, iyagoo ugu baaqay in ay lagamaarmaantahay in ciidanka booliskuna ka faaiidaystaan waxbarashadan muhiimka ah ee ka socota kuuliyadan lagu taba baro saraakiisha  oo hore tobabarkan loogu diri jiray dalalka jaarka, haseyeeshee xarun tobabar looga furay wadanka dhexdiisii oo aqoontii ay dibadda ku qaadan jireen lagu siinayo dalka gudihiisa.



Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland