4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 11, 2014
Dagaallo Khasaare Geystay oo ka dhacay deegaanno ka tirsan G/Galguduud

Jimco, Abriil 11, 2014 (HOL) — Dagaallo khasaare nafeed geystay ayaa tan iyo xalay ka dhacayay deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM oo ka tirsan oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab.

Inta la ogyahay dagaalkan oo socday saacado badan oo shalay gellinkii dambe illaa xalay ah ayaa waxaa ku dhintay 11-qof oo dhinacyadii dagaalamay iyo shacab isugu jiray, waxaana dagaalladan ay xooggoodu ka dhaceen inta deegaanno ku dhow degmada Ceel-buur.

Dagaalladan ayaa waxay billowdeen kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen gaadiid sahay u waday ciidamada Itoobiya, iyadoo dagaalkani uu noqonayaa kii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca Galguduud  tan iyo markii Ceel-buur ee gobolka Galguduud.

Afhyeenka howlgallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-muscab ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus ayna khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada huwanta ah, isagoo aan sheegin khasaaraha dhankooda soo gaaray.

“Waxaan ku weerarnay ciidamada Itoobiya deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud khasaare xooggan ayaana gaarsiinnay, iyaguna waxay dileen dad shacab ah oo aan waxba galabsan,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Sidoo kale, sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo ciidamada Itoobiya kasoo gaaray dagaalka, isagoo aan ka hadlin khasaaraha gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaasha ku nool deegaannada ku dhow kuwa uu dagaalku ka dhacay ayaa waxay sheegeen in dagaalladu ay ahaayeen kuwo xooggan, iyadoo dhinacyaduna ay is-weydaarsanayeen hubka culus.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya