4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
DAAWO SAWIRRADA: Khasaarihii ka dhashay Dabkii ka kacay Suuqa Baydhabo


Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Suuqa degmada Baydhabo ayaa xalay gubtay, iyadoo ay hanti fara badan ay ku gubatay halkaas, waxaana mas’uuliyiinta gobolka Bay iyo kuwa ururka ganacsatada ayaa sheegay in la caawiyo dadkii ay hantidu ka gubatay.

Ma jirto illaa hadda cadadka dhaqaalihii ku gubtay suuqaas oo la shaaciyay, balse waxaa la sheegay inay gubteen dukaammo fara badan, waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababtii dabkaas dhalisay.

Wararka qaarkood ayaa waxay sheegayaan in dabkaas uu ka dhashay goob lagu kariyo shaaha oo dab looga tagay, halka warar kalaena ay sheegayaan inuu ka kacay goob biraha lagu tumo oo dab lagu illoobay.

Si kastaba ha ahaatee, dabka ayaa khasaare xooggan dhaliyay, iyadoo qayb ka mid ah suuqa ay gubatay, waxaana dadkii booqday suuqa gubtay ka mid ahaa Cabdi Aadan Hoosow oo ah guddoomiyaha gobolka Bay.





Hiiraan Online, Baydhabo