4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2014
Madaxweynaha Somali oo safarro dibadda ah kaddib Muqdisho kusoo laabtay


Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa gellinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib socdaallo uu kusoo kala bixiyey dalalka Belguim, Kenya, Rwanda iyo Burundi.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu horkacayay guddoomiyaah baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxman Bayle oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in magaalada Brussels uu wafdigu uga qaybgalay shirkii madaxda Afrika iyo Madaxda Yurub, kaasoo lagu xoojinayay xiriirka labada qaaradood, waxaana lagu ballamay wada-shaqeyn iyo xiriir joogta ah, sida iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, gargaarka bani’aadanimo iyo horumarinta.

Wasiirku waxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo ay ka wada-hadleen xiriirka labada dal iyo sidii Soomaalida Kenya deggen loo ilaalin lahaa xaquuqdooda.



Madaxweynaha ayaa ka qaybgalay sanad-guuradii 20-aad ee falkii xasuuqa ahaa ee ka dhacay dalka Rwanda sannadkii 1994-kii, kaasoo ay ku dhinteen in ku dhow hal milyan oo qof, isla markaana kulan la qaatay madaxweynaha dalka Rwanda oo ay ka wada-hadleen xiriirka labada dal.

Ugu danbeyn, madaxweynaha iyo wafdigiisa tagay dalka Burundi, iyagoo halkaas kula kulmay Bujumbura madaxweynaha dalkaas; iyagoo kawada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha amniga qaarada iyo ciidamada AMISOM oo ay Burundi kaalin xooggan ku leedahay.

Madaxweynaha Somalia ayaa dhiggiisa uga mahad-celiyey dadaalka Burundi ay ku bixinayso Soomaaliya oo uu sheegay inay yihiin walaalo naftooda iyo maalkooda u huray sidii Soomaaliya ay amni iyo nabad u noqon lahayd.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya