4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
Diyaaradii ugu horeysay oo Maanta fariisatay garoonka Buuhoodle (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Garoon diyaaradaha ee magaalada Buuhoodle oo ay sannadihii lasoo dhaafay ka qaybqaadanayeen dhismihiiisa dadweynaha degmadaas ayaa maanta diyaaradii u horreysey soo caga-dhigatay.

Diyaaradan oo ay saaraayeen mas’uuliyiin kala duwan oo ay xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliay, maamulka Khaatumo iyo waxgarad ayaa kasoo dagtay garoonka, iyadoo noqonaysa tii ugu horreysay oo garoonkaas kusoo dagta.

Dowlada federaalka Soomaaliya, maamulka Khaatumo iyo waxgaradka ayaa kasoo kicitintay Muqdisho iyagoo maata gellinkii dambe soo gaaray degmada Buuhoodle, iyadoo shacabka Buuhoodle ay aad u soo dhaweeyeen howlgelidda garoonka.

Kummanaan dadweyne ah ayaa isugu soo baxay garoonka diyaaradaha Buuhoodle si ay u arkaan markii ugu horreysay ee diyaaradi soo fadhiisato, kuwaasoo intooda badan ay dhar lagu xardhay calanka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa waxaa horkacayay Maxamuud Jaamac Yuusuf (Indho-sheel) oo ah madaxweynaha maamulka Khaatumo, isagoo la hadlay dadweynihii soo dhaweeyay ayuu sheegay inay shacabka Buuhoodle ay wax weyn qabteen, taasina ay caddeyn u tahay garoonka ay maanta kusoo dageen.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Guddoomiye ku xigeenka urur haweenka Soomaaliyeed, Canab Xasan Cilmi oo ka mid ah ayd wafdiga ayaa iyaduna sheegtay inay maanta farxad u tahay inay ka mid noqoto daah-furkii garoonka Buuhoodle oo sannadihii dhismihiisu socday ay kala socotay warbaahinta, waxayna dadweynihii halkaasi isugu soo baxay u gudbisay salaan ay uga sidday haweenka gobolka Banaadir iyo kuwa Soomaaliya.

Xildhibaan C/waaxid Cabdullaahi Jaamac oo ka mid ah baarlamaanka Somalia ayaa isaguna tilmaamay xiisaha iyo farxadda ka muuqata, isagoo sheegay inuu wakiil ka yahay guud ahaan baarlamaanka Soomaaliya ee uu magacooda wato.

Garoonkan oo mudo laba sano gaadhaysa ka soconayey magaaladda Buuhoodle ayaa waxa dhaqaalaha ku baxay bixinayey mudadaa qurba joogta iyo dadka gudaha oo iskaashi sameeyey.

Dadweynaha Buuhoodle ayaa illaa caawa waday damaashaad aan kala go’ lahayn taasoo ka dhigaysa farxaddii ugu balaarnayd ee soo marta, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in howshoodii ay miro-dhashay.

Bilawgii bishii December ee sannadkii 2012-dii ayay ahayd markii garoon ay dadku iskood u dhistaan diyaaraadi soo fadhiisatay magaaladda Taleex kaasoo loo bixiyay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool