4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
Nalalka cadceedda ku Shaqeeya oo laga Hir-geliyay Kismaayo (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Leerarka ku shaqeeya cadceeda ee loo yaqaan (Solar Lights) ayaa markii ugu horeeysay laga hirgeliyay magaalada Kismaayo, iyadoo leerarkani laga suray qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee dhexmara magaalada Kismaayo.

Nalalkan ayaa wax weyn ka badalay bilicda magaalada Kismaayo, iyadoo xalay la arkayay dadweeyne fara badan oo isugu soo baxay wadooyinka magaalada kuwaaso ku faraxsanaa leerarka ku shaqeeya cadceeda ee laga hirgeliyay magaalada.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Max’ed Yuusuf (Timajilic) oo u waramay telefishinka Kalsan ayaa ka warbixiyay leerarka laga hirgeliyay magaaada iyo cidda gacanta ku siisay, wuxuu sidoo kale ku tilmaamay in ay tahay tallaabo hore loo qaaday, islamarkaana wax weyn ka badali doonta amniga iyo bilicda magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Kismaayo in ay ilaalshadaan leerarka laga suray wadooyinka, isagoo dhinaca kale sheegay in dhawaan ay magaalada ka bilaaban doonaan mashaariic dib loogu dhisayo wadooyinka burbursan.

“Waad aragtaan magaalada waxa laga hirgeliyay leerar ku shaqeeya cadceeda, horena waxa jirtay shirkad koronto gelin ah oo inta badan magaalada leerar gelisay, hoeshana way sii socon doontaa,” ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.

Shacabka ku dhaqan degmada Kismaayo ayaa siweyn ugu riyaaqay leerarkan laga hirgeliyay magaalada, maadaama wadooyinka ay markii hore ahaayeen kuwo mugdi ah.

Leerarkan laga hiregliyay magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan dib u dhis lagu sameeyay xarumo muhiim ah oo ay kamid tahay xaruntii hore ee Caymiska, Bankiga dhexe ee Kismaayo, Garoonka kubadda cagta, xabsiga dhexe iyo weliba  goobo kale oo muhiim ah.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya