4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
Mid ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan oo shir ugu soo dhamaaday Beledweye


Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Wajigii labaad kulan muddo dheer soo socday oo ay lahaayeen siyaasiyiinta, waxgaradka, odayaasha, aqooyahannada iyo qeybaha bulshada mid ka mid ah beellaha dega gobollka Hiiraan ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kulanka waxaa ka qeyb-gallay Wabar Geedi Wabar Xassan Wabar Kutuboow, wakiilka Wabarka ee gobolka Banaadir,siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiye ku-xigeenkii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Axmed Cismaan C/dalla [Axmed Inji] xildhibaan hore Abaadir Sheekh Isxaaq, odayaal dhaqameed, waxgarad, dhalinyarro iyo haween ka soo jeeda beesha.

Howl-wadeenada shirka ayaa sheegay in kulamada beesha ka soo bilaawdeen magaalada Muqdisho, laakiin markii danbe loo soo wareeejiyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo lagu soo gabagabeeyay wajiga labaad ee kulanka.

Ujeeddada kulamada mudada dheer u soo socday siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha ayaa lagu sheegay in ay ku saleysnaayeen siddii ay uga tashan lahaayeen mustaqbalooda siyaasadeed, kadib markii sida ay hadalka u dhigeen lagu dulmay  saami-qeybsiga xukuumada waqtigan jirta.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Ugu danbeyntii waxaa ay sheegeen in beesha kulamadii ay lahaayeen ay ka soo dhax-baxeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin : Doorashada guddiga 25 xubnood ka kooban  oo golle wakiil ah. In ay isu maamusho shareecada Islaam-ka. In ay sameystaan maamul u gaar ah. In ay nabad kula noolaadaan beelaha kale ee dariska ah ama gobolka ku dhaqan iyo qodobo kale oo dhowr ah.

Siyaasiyiintii ka qeyb-gashay kulanta maanta la soo xirray wajigiisa labaad ayaa in ay kulamada sii socon doonaan, iyaga oo intaa ku daray in ujeedada shirarka aheyn in lagu abuuro carqalad siyaasadeed, laakiin la doonayo oo kaliya siddii leysugu xiri beesha meel kasta oo ay joogto islamarkaana u sameysan laheyd nidaam ama maamul u gaar ah.

Dhamaan dhinacyadii ka soo qeyb-gallay gabagabada kulanka ayaa ugu baaqay beelaha kale ee ku dhaqan gobolka in laga wada shaqeeyo nabad-galyada, kuna gacan siiyaan beesha siddii ay u gaari laheyd yoolka ay higsaneyso ee ah dhismaha maamul gobolleedka Westland State.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya