4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
Golaha Wasiirrada oo ka dooday Soomaalida ku Dhibaateysan Dalka Kenya


Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed.

Kulanka ayaa looga hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen amniga dalka, Soomaalida ku dhibaataysan dalka Kenya iyo gurmadka loo fidinayo dadka deggen deegaannada laga saaray Al-shabaab.

Markii uu soo dhammaaday kulan ayaa waxaa saxaafadda la hadlay ra’iisul wasaare ku xigeenka oo sheegay in dowladda Somalia ay aad uga wel-wel-san tahay dhibaatooyinka haysta muwaadininta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay ka walaac santahay dhibaatooyinka baaxadda leh ee haysta dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, waxaana qoraallo looga hadlayo dhibaatooyinkaas loo diray hay’adaha Kenya ee ku shaqada leh, waxaan ka rajaynaynaa inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka haysta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi,” ayuu yiri Ridwaan Xirsi.

Dhanka kale, golaha ayaa ku aammanay xildhibaannada baarlamaanka sida ay uga dhiidhiyeen dhibaatooyinka ka haysata shacabka Soomaaliyeed qaadashada kaararka aqoonsiga, iyadoo sidoo kale uu goluhu ku bogaadiyay xildhibaannada wada-shaqaynta wanaagsan ee kala dhexeysa xukuumadda.

Ugu dambeyn, golaha wasiirrada ayaa ku baaqay in la dardar galiyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku nool dhammaan goobaha ay dowladdu ka saartay Al-shabaab oo gaaraya illaa sagaal degmo.

Goluhu wuxuu soo dhaweeyay booqashada uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku tagay magaalooyinka Buulo Burde iyo Jowhar, taasoo calaamad u ah sida ay uga go’an tahay xukuumadda inay la tashiyo la samayso bulshada qaybaheeda kala duwan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya