4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
Madaxweyne Gaas oo Booqday Machadka Xanaannada Xoolaha Gaalkacyo


Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa booqasho dhiirri-galin ah maanta ku tagay machadka barashada xanaannada xoolaha ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha waxaa booqashada ku weheliyay mas’uuliyiin maamulkiisa ka tirsan, waxayna xarunta machadka kula kulmeen ardayda wax ka barata kuwaas oo sharraxaado kala duwan ka siiyay tacliinta ay ka bartaan machadka.

Sidoo kale, C/weli Gaas ayaa u mahad-celiyay hay'adda Tadaamun oo iyadu hir-galisay machadka, wuxuu ardayda wax ka barata machada xanaannada xoolaha kula dardaarmay inay waxbarashada sii wataan illaa ay dhameystiraan wax-barashadooda.

Mudane Gaas ayaa ardayda wax ka barata machadka ku boorriyay in barashada xanaaneynta xooluhu ay tahay mid muhiimad weyn u leh dalka, maadaama aan nahay buu yiri bulsho ku tiirsan xoolaha nool.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaannada xoolaha Puntland, Cabdiweli Seed oo kulanka ka qayb-galay ayaa sheegay in machadkan uu qiimo weyn ugu fadhiyo wasaaraddiisa, isla markaana ay si gaar ah ula socon doonaan ardayda wax ka barata.

Madax hay'adda Tadaamun C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan oo ah tii hir-galisay machadka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in madaxweynaha Puntland uu soo booqdo machadka, isla markaana wax ka ogaado qaabka uu u shaqeeyo.

Ardayda wax ka barta machadka xanaannada xoolaha ee Galkacayo ayaa si aad u diirran u soo dhaweeyay madwxeweyne Gaas, waxayna sheegeen inay dadaal dheeraad ah ku bixin doonaan wax barashada xanaannada xoolaha, aysanna dayici doonin fursada ay haystaan, iyagoo sharraxaado kala duwan ka siiyay qaabka ay wax u bartaan.

Madaxweynaha Puntland iyo xubno ka mid ah golaha wasiirrada xukuumaddiisa ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay in ay muddooyinkanba ku sugnaan doonaan.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya