4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
Mudaaharaaad looga Horjeedo dilkii Saraakiishii QM oo ka dhacay Gaalkacyo


Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Banaanbax looga soo horjeedo dil dhawaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo loogu geystay labo sarkaal oo ka tirsanaa hay'adda UNODC ayaa maanta ka dhacay Gaalkacyo, iyadoo qaybihii bulshada ee ka qaybgalay ay sheegay inay ka xun yihiin falkaas.

Dadweynaha magalada Gaalkacayo waxay si cad u muujiyay inaysan raalli ka ahayn falkaas, isla markaana ay dowladda ku taageerayaan in baaritanno lagu sameeyo qaabkii ay wax u dheceen.

Mudaharaadka oo ka dhacay bartamaha magaalada Galkacayo ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay mas’uuliyiinta gobolka Mudug iyo kuwa degmada Gaalkacayo, wasiirro ka tirsan Puntland iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Dhamaan dadkii mudaaharaadka ka qaybgalay ayaa si isku mid ah u muujiyay in fralka lagu dilay saraakiisha uu ahaa mid aad u fool xun, iyagoo sheegay inay ka xun yihiin dilkaas; kuwii geystayna sharciga la horkeeno.

Sidoo kale, mas’uuliyiintii mudaaharaadka ka qayb galay ayaa tilmaamay inay mas’uuliyiinta sare ee Puntland ku tageerayaan baaritaannada kala duwan ee socda, kuwaasoo lagu xaqiijinayo qaabkii dilkaasi u dhacay, waxaana maalmaha soo socda lasoo bandhigi doonaa natiijada kasoo baxda baaritaannada socda ee lagu raadinayo sababtii keentay in la dilo labadaas sarkaal.

Dilka saraakiishan oo u kala dhashay dalalka Britain iyo Faransiiska ayaa waxaa geystay mid ka mid ah ilaalada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, iyadoo uu isla markiiba sheegay madaxweynaha Puntland in labadaas qof la xiray.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya