4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
Baarlammaanka Puntland oo ka dooday gunnada la siiyo hay'adaha dowladda

Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Baarlammaanka Puntland oo kal-fadhi aan caadi ahayni uu magaalada Garoowe maalmihii ugu dambeeyey uga socdey, ayaa maanta ka dooday lacagaha gunnada ah ee lasiiyo qaar kamid ah hay'adaha dowladda ee bixiya adeegga bulsahda.

Lacagahan oo loo yaqaan "CURRAARE", waxaa laga reebay miisaaniyadda sanadka 2014 oo maalmo kahor uu baarlammaanku meel mariyey, waxaana dib loo dhigay ansixinteeda si baarlammaanku uu uga doodo.

Dood kulul oo maanta baarlammaanku uu sharci ahaanshaha lacagahan ka yeeshay ayaa tatiijo la'aan kusoo gaba gabowdey, kaddib markii fikir ahaan mudaneyaasha baarlammaanku ay ku kala aragti duwanaadeen.

Xildhibaannada qaar ayaa sheegay in lacagaha "CURRAARAHA" loo yaqaanaa ay yihiin kuwo aan sharci ahayn, si toos ahna ugu dhacdo jeebka shakhsiyaad gaar ah, sidaas darteed ay tahay in gebi ahaanba la joojiyo.

Qaar kale oo xildhibaannada kamid ah ayaa iyaguna soo jeediyey fikir kaas ka duwan, waxayna sheegeen in ay muhiim tahay in miisaaniyad go'an loo sameeyo hay'adaha dowladda, si loo dardargeliyo shaqooyinka ay bulshada u hayaan.

Ansixinta gunnada la siiyo hay'addaha dowladda oo Baarlammaanka Puntland uu maanta dood adag ka yeeshay dib ayaa loo dhigay, waxaana xildhibaannadu ay  isku soo laaban doonaan maalinta Axadda ah ee soo socota, si ay arrintan go'aan uga gaaraan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya