4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
Kooxaha MAN United iyo Barcelona oo laga reebay UEFA iyo Kooxo soo baxay


Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Kooxda Bayern Munich ayaa 3-1-gool ugu awood sheegatay kooxda Manchester United oo marti ku ahayd garoonka Arena, waxaana labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar indha-qabad lahayd  ,iyadoo qaybtii hore lagu kala nastay bilaa goolal.

Waxaa jiray dhowr ciyaartooy oo uu shaki ku jiray in kulankan ay ciyaari karayeen sida Rooney oo isla  ciyaarta lagu soo bilaabay, halka kooxda Bayern ay xalay ka maqnaayeen ciyaaryahanada kala ah Shcwienestiger iyo Martinez.

Markii la isku soo laabtay qaybtii danbe daqiiqadiii 57-aad waxaa kooxda Manchester ay la timid gool qurux badan oo uu saxiixay daafacooda Evra ,kaasi oo kubad ku qabasho ahayd ku laaday gool-haye Nuer oo awood u yeelan waayay in uu difaaco.

Daqiiqad ka dib goolkaas waxaa kooxda Bayern Munich ay la timid goolkii bar-baraha   waxaana u dhaliyay laacibkooda Mandzukic,halka daqiiqadii 68-aad  uu Muller u dhaliyay kooxdiisa goolkii labaad oo ciyaarta xamaasad u sii yeelay.

Arjen Robben ayaana ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta markii uu xiddigaas uu  iska soo dhexmaray daafacyada Man United islamarkaana uu kubada daba-mariyay goolhaye De Gea,waxaana taasi ay ka dhigantahay in kooxda Bayern ay ku soo baxday wadar ahaan 4-2.

Dhanka kale ciyaar taa lamid ahayd oo aad xiisa badnayd ayaa dhexmartay kooxaha Atlitico Madrid iyo Barcelona ,waxaana lagu ciyaarayay garoonka Vicente Calderon,iyadoo inta badan laga fiicna kooxda Barcelona gaar ahaan daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta .

Atletico Madrid ayay ku qaadatay kaliya shan daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta, Lopez ayaa darbo xoogan birta ku dhuftay ka hor inta aysan kubada lugta u galin David Villa kaasoo karoos uu soo dhigay madaxa u saaray Garcia, waxaana kubadii madaxa aheyd shabaqa ku taabtay Koke.

Goolkaas ayaa ugu filnaa kooxda Atletico in ay u soo gudubto wareegga afarta ee koobkan Uefa Champions-League-ga ,iyagoo wadar ahan ku soo baxay labada lug guul 2-1 ah,mana ahayn arin laga filayay kooxdaas in halkan ay soo gaarto .

Kooxah u soo gudbay wareegga afarta ee koobkan ayaa kala Real Madrid, Chalsea Bayern Munich iyo waliba kooxda Atletico Madrid ,halka kooxaha haray ay kala yihiin PSG ,Barcelona ,Manchester United iyo Dormound, waxaana maalinta jimcaha la qaban doona wareegga afarta kooxood ee isku soo haray sida ay isugu dhici doonaan.



Faysal Mohamed Hassan
[email protected]