4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
Xaafado ka tirsan Hargeysa oo aanay Koronto ka jirin iyo Dadka oo Cabanaya

Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Xaafadaha dhinaca Koonfureed ee magaalada Hargeysa ku yaalla ayaa ka cabanaya koronto la’aan kaddib markii ay cilladi ku timid martoorradii korontada siin jirtay oo ay leedahay dowladda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa waxay leedahay xarun ay korontada ka siiso dadka magaalada ku nool qaarkood, inkastoo ay jiraan shirkado kale oo korontada bixiya, waxaana xarunta koronto bixinta Hargeysa ay dansan tahay toddobaadkii labaad.

“Waxaanu ka cabanaynaa korontada oo 12 maalmood naga maqan, innagu waxaan daggan-nahay xaafadaha ku teedsan saldhigga dhexe illaa Sheekh Madar, koronto la’aanta ayaana ah dhibaatada ugu weyn ee xilligan na haysata,” ayuu yiri Faysal Maxamed Xasan.

Sidoo kale, ruuxan ka mid ah shacabka Hargeysa ayaa sheegay inaysan koronto kale gashan karin illaa ay warqado ruqsad ah ka helaan xarunta koronto bixinta xukuumadda, isagoo xusay inay dowladda ka codsanayaan inay si dhaqso ah ku hagaajiso.

Wasiirka howlaha guud ee Somaliland, C/risaaq Khaliif Axmed oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in cillad ay ku timid matoorradii korontada siin jiray magaalada, balse ay wadaan howllo lagu hagaajinayo matooralada, loona heli lahaa matoorro cusub.

“Matoorro cusub oo dibadda ka imaanaya ayaan sugaynaa; kuwaasoo lagu wado in caawa ay magaalada soo galaan, waana arrin adag in hal mar ay matoorrada oo dhami ay fariistaan, balse sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan korontada ku sii dayn doonnaa,” ayuu yiri wasiirka.

Xaafadaha ay korontada siiyaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa ka weyn kuwa ay dowladdu siiso, taasoo sababtay in cabashada koronto la’aanta ay ku eg-tahay Koonfurta magaalada Hargeysa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya