4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
Ammaanka Muqdisho oo aan sugnayn tan iyo markii laga saaray Al-shabaab


Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Saddex sano kaddib markii Al-shabaab laga saaray Muqdisho, weli waxay magaaladu ku jirtaa khatar ay wajahayaan dadka shacabka ah iyo shaqaalaha ha’yadaha samafalka, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday IRIN.

Al-shabaab ayaa waxay ka geysataa Muqdisho qaraxyo isugu jira kuwo gaadiidka la miineeyo loo adeegsado, bambooyinka gacanta laga tuuro, basuukayaal iyo sidoo kale waxyaabaha qarxa.

In ka badan 624-qof oo ku dhaawacmay qaraxyo kala duwan ayaa la dhigay labadii bilood ee Jannaayo iyo Feberaayo sannadkan isbitaallada Muqdisho, sida laga soo xigtay hay’adda UNOCHA, iyadoo hay’addu sheegtay in 20% ay sare u kacday amni-darrada Muqdisho labadii blood ee ka horreysay.

“Xaaladda ammaanka Muqdisho waa mid sii xumaanaya tan iyo bishii December,” ayuu yiri danjire Nicholas Kay oo ka hadlayay golaha xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midooaby 11-kii bishii Maarso ee lasoo dhaafay.

Danjire Kay oo sii hadlayay ayaa sheegay in weerarrada lagu bartilmaameedsanayo xubnaha dowladda iyo kuwa hay’adaha Qaramada Midoobbay ay yihiin kuwo sare u sii kacaya.

Nabadgalyada darrada ka jirta Muqdisho ayaa sababtay in dad badan ay sababo la xiriira ammaanka uga barakacaan qaybo ka mid ah degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid iyo Dayniile kuwaasoo ay dadku u arkeen inay yihiin kuwo amni ahaan wanaagsanayn.

C/llaahi Aadan Xuseen oo ah khabiir dhinaca ammaanka ah iyo sarkaal hore ayaa u sheegay IRIN in dhibaatada ammaan-xumo ee taagan ay sabab u yihiin xifaaltanka siyaasadeed ee awood raadinta ah.

Al-shabaab ayaa waxay weerartay bishii hore xarunta madaxtooyada Somalia oo ah halka ay ku shaqeeyaan madaxda dowladda Soomaaliya, iyadoo weerarkaas uu sababay inay dhibaataan saraakiil sare oo dowladda ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya