4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
ITOOBIYA: Ciidankeennu way joogayaan Somalia illaa Shabaab laga adkaado

Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Wasiirka warfaafinta Itoobiya, Debretsion Michael ayaa ka hadlay dagaalka Al-shabaab ka dhanka ah ee ka socda Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamadooda ay ku sugnaan doonaan Somalia illaa laga adkaanayo Al-shabaab.

Wasiirka ayaa xusay in Al-shabaab ay awood ahaan hoos u dhacday, ayna hadda billaabeen inay isaga baxaan deegaannada ay hadda kaga sugan yihiin Soomaalida, isagoo xusay in howlgallada socda ay yihiin kuwo guulo laga gaaray.

“Waxaa naga go’an in Al-shabaab laga waayo Soomaaliya oo dhan, dagaalladu waa kuwo lagu doonayo in dowladda Soomaaliya ay awood u yeelato inay maamusho dalka oo dhan,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Itoobiya.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in qorshaha ay ciidamadooda uga mid noqdeen AMISOM ay tahay sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Soomaaliya, ayna joogayaan inta hadafkaas laga hirgelinayo, isagoo xusay in ammaanka dalalka gobolka uu ku xiran yahay ammaanka Soomaaliya.

“Ciidamada Itoobiya waxay ka bixi doonaan Soomaaliya markii Al-shabaab laga saaro Soomaaliya oo dhan, markaas oo ah marka ay AMISOM oo dhan isaga bixi doonaan Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray Debretsion.

Dowladda Itoobiya ayaa waxay ciidamadeedu ka mid noqdeen AMISOM horraantii sannadkan 2014-ka, iyagoo howlgallo ka billaabay gobollada Koonfurta iyo kuwa ku yaalla bartamaha Soomaaliya, waxayna la wareegeen degmooyin  iyo deegaanno ay ka talin jirtay Al-shabaab.

Goobaha ay ciidamada Itoobiya oo ay wehlinayaan kuwa dowladda Soomaaliya kala wareegeen Al-shabaab ayaa waxaa ka mid ah: Xudur, Waajid, Buur-dhuubo, Ceel-buur iyo deegaanka Wabxo oo dhammaantood ahaa goobo ay ka taliso Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya