4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
Dab Xalay ka Kacay Suuq ku Yaalla Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay


Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Dab khasaare nafeed geystay ayaa xalay ka kacay suuq ku yaalla bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo sababta dabkan kicisay ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

Toddoba qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen dabkaas, kuwaa oo isla xalay la dhigay isbitaalka Baydhabo ee gobolka Bay, iyadoo wararka qaarkood ay sheegeen in dabku uu ka kacay goob shaaha lagu kariyo oo dab lagu illoobay, halka kuwo kalena ay sheegayaan inuu ka kacay goob lagu tumo biraha.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dabka uu si lama filaan ah ku kacay uu si fudud ugu baahay suuqa dharka Baydhabo, halkaasoo ay ku gubteen dukaanno uu dhar ka buuxay, iyadoo aan la ogeyn rasmi ahaan khasaaraha maaliyadeed ee uu dabka dhaliyay.

“Xalay dabku markuu kacay ayay dadkii oo dhan dibadda u soo baxeen, waxaana lagu guuleystay in dabka la damiyo,  runtiina gumad wanaagsan ayaa la helay ma ahane dabku khasaare intaas ka badan ayuu geysan lahaa,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatadii ay hantidoodu uga badbaadday dabka.

Intii ay socotay howsha lagu daminayay dadbka ayaa waxaa goobta ku sugnaa mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha gobolka Bay iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulka degmada Baydhabo.

Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa iyagana goobta lagu arkayay iyagoo ka qaadaya dad rayid ah oo ay dhaawacyo kasoo gaareen dabka intii uu socday la dagaalanka dabka.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bay iyo kuwa Baydhabo ayaa lagu wadaa inay ka hadlaan khasaarihii ka dhashay dabka, iyadoo ganacsatadii ay dabkaas uu la tagay hantidooda ay ku sugan yihiin suuqa oo bannaan.

Dabkan ayaa noqonaya kii ugu xoogga badnaa ee ka kaca suuqa Baydhabo, kaas oo geysta khasaare xooggan oo maaliyadeed iyo dhaawacyo soo gaaray shacab la dagaalamayay dabka.

Hiiraan Online, Baydhabo