4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
Jawaari oo la kulmay Qaybaha kala duwan ee Bulshada Baydhabo (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa maanta kulan la yeeshay mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobolka ka kooban iyo qaybaha kala duwan ee bulshada sida ganacsatada, aqoon-yahannada, haweenka, culumada iyo maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo.

Muhiimadda shirka waxuu ahaa sidii loo mideyn lahaa maamulka Koonfur-galbeed iyo in la dhiso maamul heer gobol iyo mid heer degmo oo ku saleysan deegaanada maamullada goballada Koonfureed.

Wadatashigan ayaa waxaa kaloo looga hadlay maamul-xumida ka jirta magaalada Baydhabo iyo dowladda oo lagu dhaliilay inay wax-qabadkii ay shacabka Baydhabo ka filayeen.

Shirka ayaa markii lasoo gunaanadmay waxaa shir jaraaid qabtay, Xasan Shurre oo ah guddoomiyaha golaha guurtida maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobolka ka kooban, isagoo ka hadlay kulunkii ay la yeesheen madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo weliba bannaanbaxyadii ka dhanka ahaa xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ee ka dhacay Baydhabo.

Xasan Shurre wuxuu dibadbaxyadii Baydhabo ka dhacay uu mas’uuliyaddiisa dusha ka saary xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu sheegay in shacabku ay ka caroodeen imaanshihiisa Baydhabo, ayna dibadbaxyadaas ku dhintay wiil 13-jir ah.

“Markii xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan uu ka tagay Baydhabo, waxaa noo yimid madaxweynaha Soomaaliya, waxaan filaynay inaan ku kulanno ADC-da, balse wuu noo imaan waayay, goor dambe ayaa waxaa noo yimid Prof. Jawaari, sidaas ayaana ugu tagtay goobtiisa oo aan kula shirnay,” ayuu yiri Xasan Shurre.

Sidoo kale, oday-dhaqameedkan wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu weydiistay inaan u sheego waxaan doonayno, si uu isaguna markaas kaddib noogu jawaabo ayuu mar kale yiri Xasan Shurre oo intaas raaciyay in markii ay u sheegeen wixii ay qabeen uu madaxweynuhu u sheegay inuu ka qaban doono wixii uu ka qaban karo.

“Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in hadalkeenna wixii uu ka qaban karo uu ka qabanayo, aysanna jirin cid uu si gaar ah u doonayo inuu ugu xagliyo, sidoo kalena wuxuu noo sheegay inuu 10-maalmood kaddib safar yahay, markii uu safarkaas ka soo laabto uu imaan doono Baydhabo, si uu goob-joog uga ahaado dhagax-dhigga dib u dhiska Baydhabo,” ayuu mar kale yiri Xasan Shurre.

Dhanka kale, Xasan Shurre wuxuu xusay in maanta ay kulan la yeesheen Jawaari uuna kulanku ahaa mid nabadeed ayna ka qaybgaleen ganacsatada, waxgaradka, shacabka, culummada iyo dadka Baydhabo oo dhan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha golaha guurtida maamulka lixda gobol ee Koonfur-galbeed ayaa sheegay in xaaladda Baydhabo ay maanta ahayd mid deggen, laguna wado berri in magaalada oo dhan dib loo furo. Kulan wadatashi ah lagu qaato ADC-da oo xarun ah u maamulka.


Hiiraan Online, Baydhabo