4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
Booliiska oo sheegay inay Qab-qabteen Burcad iyo kooxo dilay Wax-garad

Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Taliyaha Booliska Soomaaliya, Jen. Cabdixakiin Daahir Siciid (Saacid) ayaa sheegay maanta in gacanta lagu soo dhigay dad lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dil dhawaan sideed oday-dhaqameed loogu geystay duleedka magaalada Buur-hakaba ee gobolka Bay, kuwaasoo ka yimid degmada Baydhabo una socday gobolka  Shabeellada Hoose.

Jen. C/xakiin Saacid oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in raggan lagu tuhmayo inay ku lug layaaheen dilkii 23-kii bishii hore ee Maarso loo geystay ay ciidamada booliisku ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan, isagoo intaa ku daray inay baaritaanno lagu sameynayo.

“Ciidamadu waxay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan afar ka mid ah ragga lagu tuhmayo inay dilkaas geysteen, labo ka mid ah waxaa laga qabtay magaalada Buur-hakaba, halka labada kale laga soo qabtay magaalada Baydhabo,” ayuu yiri taliyaha booliiska Soomaaliya.

Sidoo kale, taliyaha booliiska Soomaaliay ayaa xusay in lagu raad-joogo rag kale oo lala xiriirinayo falkaasi, isagoo tilmaamay in ragga hadda gacanta lagu hayo la hor-geyn doono sharciga.

Taliyaha ayaa sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayo sida ay ula shaqeeyaan ciidamada amniga, isagoo xusay in howlgallo kuwan la mid ah oo laga sameeyay Muqdisho ay ciidamadu kusoo qab-qabteen rag lala xiriinayo Al-shabaab iyo waxyaabaha qarxa.

“Waxaa lagu guuleystay in waxyaabaha qarxa iyo raggii watay gacanta la qabtay, iyadoo la adeegsanayo xogo shacabka laga helay, marka waxaan u mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed, howlgalladuna way soconayaan” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, afhayeenka booliiska Soomaaliya, Col. Maxamed Yuusuf Madaale ayaa isna maanta warbaahinta ugu sheegay inay kusoo qabqabteen howlgallo ay 28-kii bishii hore ee Maarso ka sameeyeen inta u dhexeysa Muqdisho rag uu sheegay inay ahaayeen burcad dadka dhibaato ku hayay.

“Ciidamada booliisku waxay howlgallo ka sameeyeen waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, intii howlgalku socdayna waxaa ciidamadu ay iska horyimaadeen rag hubeysan, ciidamaduna si wanaagsan ayay isaga caabiyeen, waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay afar qof, laba gaari, hub iyo rasaas ay wateen,” ayuu yiri Madaale oo intaas ku daray in howlgalladu ay sii socon doonaan.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay in raggan ay gacanta kusoo dhigeen ay dadka dhac ugu geysan jireen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, sidoo kalena ay sameysteen shabaqyo ay shacabka ku xir-xiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya