4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
Xildhibaanada Baarlamanaka oo maanta ka dooday Miisaaniyadda Sannadkan

Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta bilalabay ka doodista misaaniyadda sannadkan 2014-ka oo xukuumaddu ay dhawaan u soo gudbisay, iyadoo xildhibaannadu ay sharraxeen waxyaabaha loo baahan in lagu daro ama laga saaro miisaaniyadda.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad Mahad C/lla Cawad ayay xildhibaannada intooda badan sheegeen, sida loo maareeyo deeqaha dibadda ka yimaada, caddeynta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo weliba tan ciidamada.

“Kobcinta wax-soo-saarka Afrika oo la yiri daqliga dowladda waa inay u qorsheysaa 10% waa qaraar ay Afrika gaartay oo ay tahay inaan innagu ka qayb nahay, intaas marka la eego dowladda miisaaniyadeeda 90%  waxaa lagu saleeyay maamulka dowladda iyo sugidda amniga, lamana caddeyn mushaarraadka ciidamada iyo tan shaqaalaha dowladda. Meelaha ay dowladda qarashaadka ku biixnayso waa qaar isku mid ah, si dayactir qalab, gunno aan caddeyn cidda qaadanaysa iyo qalabeynta xafiisyada waa kuwo isku mid ah oo aad mooddo in hal meel lagu soo diyaariyay, waxaa la diiday in la bixiyo deymihii sahaydii safarrada barlamaanka, waxaaan loo baahan yahay in la caddeeyo in sahaydaas ay ku jirto 34-ta milyan iyo in kale,” ayay yiraahdeen xildhibaanno ka hadlay kulanka.

Iyadoo miisaaniyadda ka doodisteedu ay billaabeen xildhibaannada ayaa haddana waxay maamulka Bankiga Dhexe maanta hakad geliyeen bixinta lacagta, illaa inta uu baarlamaanku meel-marinayo miisaaniyadda hortaalla.

Doodda miisaaniyadda ayaa sii socon doonta, iyadoo markii doodaha lasoo gaba-gabeeyo ay xildhibaanadu cod u qaadayaan, iyadoo miisaaniyadda sannadkan uu cadadkeedu yahay 28-milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya