4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
Maamulka G/Hiiraan oo sheegay inay 1600 qof kusoo barakaceen Beledweyne

Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay hay'addaha samafalka in ay gargaar la soo gaaraan dadka ka soo barakacay deegaannada ay ka socdaan howlgalada lagula dirirayo Al-shabaab ee gobollada Hiiraan iyo Bakool.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasada ee maamulka gobolka Hiiraan Max'ed Ibraahim Cali [Sabuur]  oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in dad ku dhaw dhaw 1600 oo ruux oo isaga soo cararay deegaannada lagala wareegay Al-shabaab ee gobollada Hiiraan iyo Bakool soo gaaraan magaalada Beledweyne.

''Dadka labo ayeey u qeysamaan, qoysaska qaarkood waxaa ay soo dul-dageen dad ay qaraabo yihiin, halka kuwa kalana ay ku biireen xeryahay barakacayaasha magaalada oo markii horeba ay ku jireen dad xaaladooda iska liidato,'' ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in wali ay jiraan qul qulka dadka barakacayaasha taasoo laga yaabo ayuu yiri in tirada hadda la og-yahay sii kordhiso, waxaana uu intaa ku darray in ay jiraan guddiyo arintan daba-gal ku sameynaya si loo ogaado tirakoobka rasmiga ah.

Dhawaan ayeey aheyd markii kulan magaalada Beledweyne uu ku dhaxmaray mas'uuliyiinta hay'addaha samafalka iyo maamulka gobolka, kaa looga wada hadllay sidii loo caawin lahaa dadka soo barakacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya