4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
C/naasir Seeraar: "Ciidamada Kenya kama baxayaan Magaalada Kismaayo"
Tuesday, April 01, 2014(HOL) - Afhayeenka maamulka Jubba, C/naasir Seeraar Maax oo  shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay arinta ciidamada ka socda dalalka Brundi iyo Sieraleone ee dhawaan soo gaaray degmada Kismaayo.

Masuulkan ayaa sheegay in ciidamada dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo ee ka socda dalka Brundi iyo kuwii hore u joogay ee ka socday dalalka Sieraleone iyo Kenya ay ka wada shaqeyn doonaan ilaalinta nabadgelyada, isagoona meesha ka saaray in ciidamada Kenya ay gabi ahaanba ka bixi doonaan magaalada Kismaayo.

“Ciidamada Kenya ma baxayaan, halkan ayay joogeen, shaqadii ay wateen unbay haynayaan, ciidamada kale ee yimidna iyaga ayay caawinayaan, amniga ayay iska garabsanayaan, laakiin ciidanka Kenya wuu joogayaa,”ayuu yiri Mr. Seeraar.

C/naasir Seeraar ayaa intaa ku daray in ciidamada ka socda dalalka Brundi iyo Sieraleon iyo kuwa kale ee Kenya ay dhamaantooda maamulkooda ka gacan siin doonaan dhinacyada amniga iyo la dagaalanka xoogagga Al-shabaab.

“Waxaa yimid ciidan Brundi ah, waxaa joogay Sieraleone, Kenya. Sedexdaa ciidan ee sedexdaa dowladood ayaa hada jooga, hadafkooduna waxa weeye Soomaaliya in la xasiliyo oo ay nabadeeyaan, waxay ka shaqeynayaan ee ay hada u yimaadeenna waxa weeye amniga in ay ka shaqeeyaan, maamulka Jubbaland-na in ay ka gacan siiyaan waxyaalaha caqabadda ku ah, ama shabaab ha noqoto ama cadow kale ha noqdo”, ayuu afhayeenku hadalkiisii raaciyay.

Hadalkan kasoo yeeray afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan ay magaalada Kismaayo soo gaareen ciidamo ka socda dalka Brundi, kuwaasoo qeyb ka ah AMISOM, wuxuuna sidoo kale hadalkan imanayaa iyadoo mudooyinkii u danbeeyay la hadal hayay in ciidamada Kenya ay ka bixi doonaan magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya