4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in la isku dulqaato lana wada-hadlo


Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay maanta magaalada Muqdisho, kaddib socdaal uu laba habeen ku joogay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in loo baahan yahay in la isku dulqaato lana wada-hadlo.

Madaxweynaha ayaa wada-hadallo iyo la tashiyo lasoo sameeyay qaybaha kala duwan ee bulshadda Baydhabo kuna dhiiri-geliyay in artagtida kala duwan lagu xaliyo wadahadal , dib-u-heshiisiin, is-afgarad iyo nabad.

Xasan sheekh ayaa  ka mahad-celiyey sidii loogu soo dhaweyey Baydhabo isla-markaana ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka magaaladaas inay midnimo muujiyaan.

DAAWO SAWIRRADA SAFARKII BAYDHABO:


“Maanta fursad ayaynu haysanaa waa inaad isku dul-qaadataan oo meel wada-fariisataan si mar walba midnimada loo ilaaliyo. Marar badan ayay dhibaato ka timid is-maqli waa iyo dul-qaad yari.  Dowladda Soomaaliya ayaa hormuud u ah wax walba oo dalka ka socda, iyada ayaana mas’uuliyadda leh marka waa in dowladda looga dambeeyo waxyaalaha loo igmaday,” ayuu yiri madaxweynaha.

Ugu dambeyn, hoggaamiye dhaqameedyada iyo dhammaan dadkii kale ee uu la kulmay ayaa ka mahad-celiyay booqshadda  labadda maalmood qaadatay ee uu madaxweynuhu ku joogay Baydhabo. Sidoo kale madax dhaqameedyada ballan-qaaday inay sii wadayaan wadahadallada dowladdana la shaqeyaan.

Safarka uu madaxweynuhu ku tagay Baydhabo ayaa waxaa ku wehliyay xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo xildhibaanno, sidoo kale waxaa isagana Baydhabo tagay guddoomiyaha baarlamaanka oo qaybtiisa ka qaatay dadaallada nabadda lagu raadinayay ee Baydhabo ka socday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya