4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
Ra’iisul wasaaraha oo xubnaha G7 kala hadlay dib u dhiska dalka (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaa maanta Muqdisho kula kulmay xubnaha kooxda G7+ oo ah deeq-bixiyeyaasha dhaqaalaha ku baxa barnaamijka New Deal (Hiigsiga cusub), waxaana ra’iisul wasaaruhu warbixin ka siiyay horumarada howlgalada ka soconaya gobolada dalka ee Al-shabaab lagula dagaalamayo.

Mudane C/weli Sheekh ayaa ka codsaday kooxdan in la baahiyo qorshaha New deal si mashaariicda horumarineed ee diyaarsan loo gaarsiiyo shacabka gobolada laga saaray Al-shabaab ku sugan, wuxuuna si gaar ah uga codsaday in looga fuliyo inay billaabaan mashaariic deg-deg ah, gaar ahaana dhanka biyaha iyo caafimaadka.

Kulanka ayaa la iskula gartay in la mataaneeyo isla markaana la is waafajiyo qorshaha howl-qabadka xukuumadda ee mudada saddexda sano ah, kaasoo xukuumaddu u gudbisay golaha baarlamaanka iyo qorshaha shirkii Brussels si loo dar-dar-geliyo howlaha horumarineed ee la doonayo in la fuliyo sanadaha nagu soo aaddan.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Xubnahan oo matalayay dalalka hormuudka u ah deeq-bixiyeyaasha caalamka ayaa waxay soo dhaweeyeen howlgalada socda iyo deegaannada la Al-shabaab laga saaray waxayna balan qaadeen inay si deg deg ah ugu howlgalayaan sidii looga fulin lahaa degaannadaasi mashaariicda horumarineed ee diyaarka ah si loo gargaaro shacabka deegaannadaas oo in mudd ah aan helin caawimaadda beesha caalamka.

Dhanka kale, wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gabagabada shirka warbaahinta u sheegay in la isla gartay sidii loo dar-dar-gelin lahaa New deal-ka, sidoo kalena la isku waafajin lahaa qorshaha xukuumadda iyo qorshaha New deal.

“Arrimaha aan ka wadahadalnay kooxda waxaa ka mid ah sidii loo dhaqan-gelin lahaa nidaamka federaalka iyo hagaajinta hay’adaha maaliyadda ee dowladd,” ayuu yiri wasiirka qorsheynta.

Shirkan ayaa ka dhacay xarunta ciidamada AMISOM ay ka dagan yihiin Muqdisho iyadoo kulankuna uu ahaa mid muddo saacado ah socday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya