4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
Xukuumadaha Jabuuti iyo Jabbaan oo kala Saxiixday Heshiis Muhiim ah

Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Dowladaha Jabuuti iyo Jabbaan ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya 1.6-billion oo lacagta faransiiska ah, waxaana dowladda Jabuuti laga taageeraya kor-u qaadista tayada ciidamada ilaalada xeebaha ee dalkaas.

 Waxaa heshiiskan ku jira in Jabuuti la siiyo lama doomood oo casri ah ,kuwaasi oo loogu tala-galay in ay qayb-ka noqdaan ilaalinta xeebaha Jabuuti, iyagoo ka hortegi doona khatar kasta oo ku soo wajahan badahooda.

Heshiiskan waxaa dhinaca dowladda Jabuuti u saxiixay  wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah  Maxamuud Cali Yuusuf ,iyadoo dowladda Japan uu heshiiskan u saxiixsay safiirka ay dowladdaas ku leedahay Jabuuti Atsushi Nishioka.

"Qorshahan wuxuu naga caawinayaa inaan ka hortagno dambiyada ka dhaca badda Jabuuti sida kalluumaysiga sharci darrada ah iyo gudbinta maandooriyayaasha," ayuu yiri wasiirka oo ka hadlayay heshiiska labada dhinac dhex maray.

Waxaa kaloo uu wasiirka sheegay in heshiiskan uu ku jiro dhismaha dekado yar-yar oo ciidamada ay ka fulin doonaan roondooyinka looga hortagayo kooxaha burcad badeedda ah ee inta badan qafaasha maraakiibta ajanbiga ah .

Dowladda Jabbaan ayaa soo dhaweysay heshiiskan ,waxaana lagu tilmaamay kii ugu qaalisana ee labada dhinac ay kala saxiixdaan ,iyadoo Japan ay ballan qaaday in qorshahan ay si deg-deg ah ku fulin doonaan.

Ugu danbayntii sida uu yahay heshiiska waxa dowladda Jabuuti lagu wareejin doonaa doomahan dhamaadka sanadkan 2015-ka iyadoo xiriirkan dhexmaraya labada dowladood uusan ahayn kii ugu horeeyay, waxaana sanadkii hore ay dowladda Japan u soo dirtay Jabuuti khuburo ku xeel dheer dhinaca badaha ,kuwaasi oo dhinaca farsamada ka taageerayay ciidamdaa ilaalada xeebaha ee Jabuuti

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]