4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
Madaxweyne C/weli Gaas oo qaabilay xubno ka tirsan UNISOM (SAWIRRO)
Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee Garoowe wuxuu ku qaabilay mas'uuliyiin ka socdey xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNISOM.

Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Puntland ayaa ka qayb galay kulanka dhex maray Madaxweyne Gaas iyo ergada ka socotay UNISOM, waxaana kulanka looga wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen: dardargelinta nidaamka dimuqraadiyeynta ee Puntland iyo weliba sidii Puntland dhanka horumarinta looga taageeri lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ee Puntland Sahra Siciid Nuur ayaa ugu horreyn goobta ka hadashay, waxayna ku dheeraatay muhiimadda dimuqraadiyadda iyo sida ay dadka reer Puntland ugu baahi qabaan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wasiirradu waxay intaas ku dartay in dowladda iyo dadka reer Puntland dhammaantood ay ka go'an tahay in Puntland ay ka dhacdo doorasho xor ah oo ku salaysan nidaamka dimuqraadiga ah marka la gaaro sannadka 2018.

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isna dhankiisa uga mahad celiyey Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan sida ay Puntland uga taageerto dhinaca dimuqraadiyeynta.

Xubnihii ka socdey UNISOM ayaa iyaguna uga mahadceliyey madaxda Puntland sida diirran ee ay usoo dhoweeyeen, waxayna ballan qaadeen in sida ugu dhaqsaha badan looga jawaabi doono dhammaan codsiyada ka yimid dhanka Puntland ee ku wajahan dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka xorta ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya