Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisii oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta dib Muqdisho ugu soo laabtay.
Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyay mas'uuliyiin badan oo dowladda ka tirsan, waxaana intaas kaddib loo soo qaaday dhinaca madaxtooyada Soomaaliya.
Muddadii uu madaxweynuhu ku sugnaa Baydhabo wuxuu kulammo gooni-gooni ahaa la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka iyo qaar ka mid ah ergooyinkii wax ka dhisay maamullada iska soo horjeeda ee magaaladaas ka jira, siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka.
Dhammaan dhinacyadii uu la kumay wuxuu kala soo hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee degmada Baydhabo ka aloosan, khilaafkaas oo salka ku haya maamulka dhismihiisa lagu muransan yahay ee koonfur-galbeed Soomaaliya.
Booqashadan ayaa ahayd tii labaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu magaalada Baydhabo ku tago, laga soo bilaabo markii maamulka magaaladaas lagala wareegay Xarakada Al-shabaab.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Jawaari oo la kulmay Qaybaha kala duwan ee Bulshada Baydhabo (SAWIRRO)
4/1/2014 3:12 PM EST
Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa maanta kulan la yeeshay mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobolka ka kooban iyo qaybaha kala duwan ee bulshada sida ganacsatada, aqoon-yahannada, haweenka, culumada iyo maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo.
Boqolaal qof oo lagu qab-qabtay howlgallo laga sameeyay Nairobi (SAWIRRO)
4/1/2014 12:58 PM EST
Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Ciidamada ammaanka Kenya ayaa howlgallo ay xalay illaa maanta ka sameeyeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxay ku qab-qabteen 657-qof oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qaraxyadii xalay ka dhacay magaaladaas.
Booliiska oo sheegay inay Qab-qabteen Burcad iyo kooxo dilay Wax-garad
4/1/2014 12:44 PM EST
Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Taliyaha Booliska Soomaaliya, Jen. Cabdixakiin Daahir Siciid (Saacid) ayaa sheegay maanta in gacanta lagu soo dhigay dad lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dil dhawaan sideed oday-dhaqameed loogu geystay duleedka magaalada Buur-hakaba ee gobolka Bay, kuwaasoo ka yimid degmada Baydhabo una socday gobolka Shabeellada Hoose.
Xildhibaanada Baarlamanaka oo maanta ka dooday Miisaaniyadda Sannadkan
4/1/2014 12:23 PM EST
Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta bilalabay ka doodista misaaniyadda sannadkan 2014-ka oo xukuumaddu ay dhawaan u soo gudbisay, iyadoo xildhibaannadu ay sharraxeen waxyaabaha loo baahan in lagu daro ama laga saaro miisaaniyadda.
Maamulka G/Hiiraan oo sheegay inay 1600 qof kusoo barakaceen Beledweyne
4/1/2014 12:06 PM EST
Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay hay'addaha samafalka in ay gargaar la soo gaaraan dadka ka soo barakacay deegaannada ay ka socdaan howlgalada lagula dirirayo Al-shabaab ee gobollada Hiiraan iyo Bakool.
C/naasir Seeraar: "Ciidamada Kenya kama baxayaan Magaalada Kismaayo"
4/1/2014 11:47 AM EST
Tuesday, April 01, 2014(HOL) - Afhayeenka maamulka Jubba, C/naasir Seeraar Maax oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay arinta ciidamada ka socda dalalka Brundi iyo Sieraleone ee dhawaan soo gaaray degmada Kismaayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in la isku dulqaato lana wada-hadlo
4/1/2014 10:44 AM EST
Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay maanta magaalada Muqdisho, kaddib socdaal uu laba habeen ku joogay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in loo baahan yahay in la isku dulqaato lana wada-hadlo.
Ra’iisul wasaaraha oo xubnaha G7 kala hadlay dib u dhiska dalka (SAWIRRO)
4/1/2014 10:37 AM EST
Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaa maanta Muqdisho kula kulmay xubnaha kooxda G7+ oo ah deeq-bixiyeyaasha dhaqaalaha ku baxa barnaamijka New Deal (Hiigsiga cusub), waxaana ra’iisul wasaaruhu warbixin ka siiyay horumarada howlgalada ka soconaya gobolada dalka ee Al-shabaab lagula dagaalamayo.
Xukuumadaha Jabuuti iyo Jabbaan oo kala Saxiixday Heshiis Muhiim ah
4/1/2014 8:54 AM EST
Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Dowladaha Jabuuti iyo Jabbaan ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya 1.6-billion oo lacagta faransiiska ah, waxaana dowladda Jabuuti laga taageeraya kor-u qaadista tayada ciidamada ilaalada xeebaha ee dalkaas.
Madaxweyne C/weli Gaas oo qaabilay xubno ka tirsan UNISOM (SAWIRRO)
4/1/2014 6:37 AM EST
Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee Garoowe wuxuu ku qaabilay mas'uuliyiin ka socdey xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNISOM.
Dowladda Federaalka Somalia & Somaliland oo ka shiraya Maamulka Hawada
4/1/2014 5:34 AM EST
Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Wada hadal u dhexeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta ka fumray magaalada ugu weyn ahna xarunta ganacsiga dalka Turkiga ee Istanbul.
Dowladda Somalia oo sheegtay inay qabatay Saraakiil Al-shabaab ka tirsan
4/1/2014 3:04 AM EST
Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Wasaarada Amniga Qaranka ee xukuumadda Somalia ayaa shaacisay in howlgallo ay wadajir ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM uga sameeyeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose iyo Muqdisho ku dhow ay kusoo qabqabteen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.
Soomaaliya oo soo dhaweysay guushii xisbiga talada Turkiga haya ee AKP
4/1/2014 2:45 AM EST
Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa hambalyo ku aaddan guusha uu xisbiga AKP ka gaaray doorashooyinkii dowladaha hoose ee dalka Turkiga u diray ra’iisul wasaaraha dalkaas, Recep Tayyip Erdoğan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
VIDEO: Baarlamaanka Dalka Britain oo u Codeeyey Joojinta Qaadka
4/1/2014 2:21 AM EST
Talaado, April 1, 2014 - Baarlmaanka dalka Britain ayaa cod ay qaadeen ku ogolaaday in dalka laga mamnuuco qaadka.
Qaraxyo dhimasho iyo dhaawac geystay oo xalay ka dhacay Nairobi
4/1/2014 2:12 AM EST
Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay 25-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen saddex qarax oo mar qura xalay ka dhacay xaafadda Islii ee Nairobi, halkaasoo ah goob ay Soomaali badan deggen yihiin.
Maamulka Jubba oo soo dhaweeyay Maamulka Saddexda Gobol ee Baydhabo
4/1/2014 1:08 AM EST
Talaado, April 01, 2014(HOL) :- Maamulka Jubba ayaa soo dhaweeyay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, taasoo gudoomiyaha sedexda gobol ee Bay, bakool iyo shabeelaha hoose loogu doortay Mudane Max'ed Xaaji Cabdinuur.
Somali News
Forced to the camps, exiled journalists' lives just got harder
-
The Star
4/1/2014 4:56 PM EST
If you venture into Eastleigh at night, an area in the capital with a large ethnic Somali population, you are walking into a ghost town. Residents are locking themselves inside their homes while police lorries are parked outside with roaming agents demanding IDs of anyone caught in their vicinity.
Somali govt claims capture of senior Al shabab officials
-
HOL
4/1/2014 4:47 PM EST
Somali government claimed the arrest of two unnamed senior Al Shabab officials, deputy minister for internal security Ibrahim Isaq Yarow told the media here in Mogadishu on Tuesday.
Prominent Islamist killed on Kenyan coast: witnesses
-
Reuters
4/1/2014 3:07 PM EST
A prominent Kenyan Islamist, accused by the United States and U.N. Security Council of supporting the Somali militant group al Shabaab, was killed on Tuesday, a police officer at the scene and a witness said.
Kenyan surgeons remove bullet from head of infant shot in attack
-
AFP
4/1/2014 3:03 PM EST
Kenyan doctors said on Tuesday they had removed a bullet from the brain of an infant boy shot in the head by gunmen in a recent attack on a church.
Blood and tears as six killed in terror attack on packed hotels in city estate
-
Daily Nation
4/1/2014 2:38 AM EST
Six people were killed and dozens others seriously injured in blasts in Nairobi’s Eastleigh estate Monday evening. Most of those injured in the three explosions, were taken to Mother and Child Hospital...
KENYA: ICC postpones Kenyatta trial to October
-
AFP
4/1/2014 1:51 AM EST
The Hague - The International Criminal Court on Monday postponed Kenyan President Uhuru Kenyatta's repeatedly-delayed trial over post-election violence to October, saying it was giving Kenya more time to look for documents wanted by prosecutors.
Somalia seeks new ways of fighting al-Shabab
-
Al Jazeera
4/1/2014 12:56 AM EST
Somalia's government is reaching out to moderate members of al-Shabab with the aim of ending the conflict in the country.
Somali Diaspora Not Ready to Buy One-Way Tickets Home Yet
-
IPS
4/1/2014 12:31 AM EST
Kisenyi, informally known as Little Mogadishu, has been the heartbeat of the Somalia community in this East African community since the 1990s, according to Abdullahi.
UNSOM Press Statement:
-
UNSOM
4/1/2014 12:25 AM EST
The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia, Nicholas Kay, has welcomed the visit by President Hassan Sheikh Mohamud to Baidoa to meet with supporters of opposing state formation processes
Bootlegger arrested with bottles of liquor for sale
-
ArabNews
4/1/2014 12:21 AM EST
Riyadh police arrested a Somali youth near Manfouha for brewing and selling liquor.
Japan to build 2 patrol boats for Djiboutian coastguard
-
Sabahi
4/1/2014 12:18 AM EST
Djibouti and Japan signed a 1.6-billion franc ($8,800) grant agreement Sunday (March 30th) for the construction of two patrol boats to boost the capacity of Djibouti's coastguard, Minister of Foreign Affairs and International Co-operation Mahamoud Ali Youssouf told Sabahi.