4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
Dowladda Federaalka Somalia & Somaliland oo ka shiraya Maamulka Hawada
http://www.skyliner-aviation.de/photos/OMSDA.jpgTalaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Wada hadal u dhexeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta ka fumray magaalada ugu weyn ahna xarunta ganacsiga dalka Turkiga ee Istanbul.

Wadahadalkan oo daba socda heshiis horay labada dhinac u dhex maray, waxaa arrimaha looga arrinsan doono ugu muhiimsan maamulka hawada Soomaaliya oo horay Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland ay heshiis hordhac ah uga gaareen.

Ergooyinka ka kala socda labada dhinac waxaa kala hoggaaminaya Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Siciid Jaamac Qoor-sheel iyo dhiggiisa dhinaca Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Siciid Jaamac Qoor-sheel oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in arrimaha ugu badan ee shirkan diiradda lagu saari doonaa ay yihiin kuwo farsamo oo ku aadan qaabka ugu fudud ee maamulka hawada Soomaaliya loo soo wareejin karo, kaddibna ay Dowladda Federaalka iyo Somaliland isula agaasimi lahaayeen.

Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib, wuxuu maamulka hawada Soomaaliya si toos ah u hoos tegayey hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulimaadyada rayidka ah ee magaceeda loo soo gaabiyo (ICAO).

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya