4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
Dowladda Somalia oo sheegtay inay qabatay Saraakiil Al-shabaab ka tirsan

Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Wasaarada Amniga Qaranka ee xukuumadda Somalia ayaa shaacisay in howlgallo ay wadajir ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM uga sameeyeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose iyo Muqdisho  ku dhow ay kusoo qabqabteen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amaniga, Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay in howlgal laga sameeyay degmada Qoryooleey lagu qabtay labo sarkaal oo mid ka mid ah uu sheegay inuu wax ka abaabulay weerarkii sannadkii 2009-kii lagu qaaday xarunta Xalane oo ay daggan yihiin ciidamada AMISOM.

"Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay howlgal ay ka sameeyeen degmada Qoryooleey kusoo qabteen labo xubnood oo Al-shabaab muhiim u ahaa, mid ka mid ah wuxuu wax ka abaabulay weerarkii Xalane lagu qaaday sannadkii 2009-kii, sidoo kale howlgal Muqdisho ka dhacay ayaa lagu soo qabtay shan kale oo Al-shabaab ka tirsan, waa dagaalameen, iyagii iyo hubkoodiiba waxaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo,"  ayuu yiri wasiir ku xigeenka Amniga.

Sidoo kale, wasiirka wuxuu ka gaabsaday inuu sheego magacyada toddobadan ruux ee uu sheegay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen, balse wuxuu sheegay in xubnahan ay u gudbiyeen xerada Xalane oo talis u ah AMISOM.

Xarakada Al-shabaab ayaa bishii September ee sannadkii 2009 weeraa ismiidaamin ah la beegsatay Xalane, iyagoo adeegsaday gaadiid ay loo ekeysiiyay kuwa ay UN-ku leeyihiin, iyadoo weerarkaas ay ku dhinteen in ka badan 20-qof oo ka mid ahaa taliye ku xigeenkii AMISOM oo u dhashay dalka Burundi.

Ma jiro hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ay ku qiranayso ama ku beeninayso iyo la qabtay saraakiil sar-sare oo xoogaggeeda ka tirsan, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo wax ka abaabulay weerarkii Xalane.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya