4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
Soomaaliya oo soo dhaweysay guushii xisbiga talada Turkiga haya ee AKP

Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa hambalyo ku aaddan guusha uu xisbiga AKP ka gaaray doorashooyinkii dowladaha hoose ee dalka Turkiga u diray ra’iisul wasaaraha dalkaas, Recep Tayyip Erdoğan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in wasaaraddu ay qoraallo hamblayo ah oo ku aaddadn guusha xisbigan oo ay dirayaan madaxdweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed ay geysay safaaradda Turkiga uu Muqdisho ku leeyahay si loo gaarsiiyo ra'iisul wasaaraha Turkiga.

“Shacabka iyo dowladda Somalia ma illoobi doonaan garab-istaaggii walaanimada lahaa ee ay dowladda Turkiga iyo ra’iislu wasaarahooda Recep Tayyip Erdoğan ku garab-joogsadeen shacabka Soomaaliyeed xilli ay dalka ka jirtay xaalad adag,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladda Turkiga ayaa waxay Soomaaliya ka billowday sannadkii 2011 kaalmooyin bani’aadamnimo iyo ka qaybgalka dib u dhiska dalka, kaddib markii uu booqasho lama filaan ah Muqdisho ku yimid ra’iisul wasaaraha Turkiga, Erdoğan, xilli gobollo dalka ka mid ah ay ku dhufteen abaaro macluul sababay.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay guusha uu gaary xisbiga uu hoggaamiyo ra’iisul wasaaraha Turkiga, iyagoo dowladda Turkiga u arka saaxiib aad u weyn oo wax badan ka qabtay horumarinta dalka.

Hay’adaha Turkigu ayaa haatan Muqdisho ka wada dib u dhis ay ku sameynayaan waddooyinka laamiyada ah, dhismayaashii colaadda ku burburay, kuwaasoo ay ka mid yihiin: iskuullada, isbitaallada iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

Xisbiga AKP ayaa doorashadii dowladaha hoose ee Turkiga ka gaaray guulo weyn oo aan horay loo saadaalinayn, waxaana guushan ay fursad u siinaysaa xisbiga inuu ka gaaro guul doorashooyinka madaxnimo ee soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya