4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
Qaraxyo dhimasho iyo dhaawac geystay oo xalay ka dhacay Nairobi


Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay 25-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen saddex qarax oo mar qura xalay ka dhacay xaafadda Islii ee Nairobi, halkaasoo ah goob ay Soomaali badan deggen yihiin.

Qaraxyadan ayaa waxay laba ka mid ah ka dhaceen laba maqaayadood oo yar-yar, halka midka kalena lala bartilmaameedsaday goobo caafimaad, mana jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda weerarradan iyo qof loo qabtay.

“Waxaan maqalnay saddex qarax. Dabcan waa kuwo aan uga shakisannahay inay ahaayeen weerarro argagaxiso,” ayuu yiri taliyaha booliiska Nairobi, Benson Kibue oo la hadlayay warbaahinta.  

Taliyaha ayaa sheegay in dhaawacyada ay gaarayaan 25-qof, kuwaasoo markiiba loo qaaday isbitaallada, balse haweeney dhaawacyada ka mid ah ay ku jirto halis, wuxuuna intaas ku daray in lix qof ay ku naf-waayeen qaraxyada.

“Booliiska ayaa baaritaanno ku hayaan waxyaabaha qaraxyadan loo isticmaalay,” ayuu mar kale yiri Benson Kibue, iyadoo goobjoogayaal ku sugnaa meelaha ay ka dhaceen qaraxyada ay sheegeen in mid ka mid ah walxaha qarxay uu ahaa bam-gacmeed.

Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo loo yaqaanno (Muqdishadii Yarayd) ayaa waxaa sannadihii ugu dambeeyay ka dhacayay qaraxyo khasaare geystay, iyadoo saraakiisha booliisku ay dusha ka saareen mas’uuliyadda qaraxyadaas Al-shabaab.

Qaraxyadan ayaa dhacay xilli ay inta badan dadweynuhu u socdeen guryahooda, maqaayadahana laga cunteynayay, sidoo kalena dad fara badan ay adeegyo ka iibsanayeen dukaamada.

Weerarkan ayaa kusoo beegma xilli toddobaadkii hore ay lix qof ku dhinteen weerar ay rag hubeysan ku qaadeen kaniisad ku taalla magaalada Mombasa, weerarkaasoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 20-qof.

Sidoo kale, weerarka ayaa imaanaya xilli Axadii lasoo dhaafay uu hal qof ku dhintay qarax ka dhacay mid ka mid ah dhismayaasha Islii, iyadoo booliisku ay sheegeen in ruuxa dhintay uu ahaa kii qaraxa diyaarinayay, saddex kale oo baxsad ahna ay ku baadi-goob ku hayaan.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto degmada Kamakunji oo ay Islii ka mid tahay ayaa sheegay in lala dagaalamo wuxuu ugu yeeray argagaxisada dhibaatada ku haysa shacabka Kenya iyo kuwa Soomaalida ah ee Islii ku nool.

Mudanaha ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo sheegay in shacabku ay ciidanka amniga kala shaqeeyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii weerarkan ka dambeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya