4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
Maamulka Jubba oo soo dhaweeyay Maamulka Saddexda Gobol ee Baydhabo
Talaado, April 01, 2014(HOL) :- Maamulka Jubba ayaa soo dhaweeyay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, taasoo gudoomiyaha sedexda gobol ee Bay, bakool iyo shabeelaha hoose loogu doortay Mudane Max'ed Xaaji Cabdinuur.

Shir jaraa'id oo ay si wadajir ah xarunta madaxtooyada Kismaayo ugu qabteen, afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada Mudane Cabdiqani Cabdi Jaamac ayay kusoo dhaweeyeen madaxweeynaha sedexda gobol.

C/naasir Seeraar ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan madaxweynaha cusub, isagoo ku daray hadalkiisa in madaxweynaha looga fadhiyo inuu wada-xaajood la galo dhinaca kasoo horjeedo si buu yiri xal looga gaaro muranka siyasadeed ee haatan jira.

Masuulkan ayaa ku ammaanay dowladda federaalka Soomaaliya doorka ay ka ciyaareeyso dib u heshiisiinta iyo xal u helidda mushkiladaha ka taagan gobolka Bay, wuxuuna madaxda dowladda ku boorriyay inay laba-jibbaaraan dadaalkooda.

Seeraar ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto maamulka sedexda gobol ee uu hogaamiyo Madaxweeyne Max'ed Xaaji Cabdinuur.

Afhayeenka oo ka jawaabayay su'aal la weeydiiy oo ahayd waxa ilaa imika ka qabsoomay heshiisyii ay dowladda Soomaaliya kula saxiixdeen magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu yiri: "Heshiisyada intoodii badnayd waa ay hirgaleen, waxaa ka mid ah shirarkii Muqdisho, qaar kamid ah garabyadii mucaaradka oo dib usoo laabtay iyo arimo kale oo badan, waxa dhimanna waxaan rajeyneynaa in la dhameystiri doono."

Hadalkan kasoo yeeray madaxda maamulka Jubba ayaa  kusoo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan taageerada ay maamullada ka jira dalka u fidinayaan hogaanka cusub ee maamulka sedexda gobol, iyadoo war saxaafadeed  maalinimadii shalay kasoo baxay Puntland lagu taageeray maamulkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya