4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2013
Soomaaliya iyo Shiinaha oo Maanta Magaalada Muqdisho ku kala Saxiixday Heshiis Iskaashi oo laba geesood ah (SAWIRRO)


Isniin, September 09, 2013 (HOL) — Ku-simaha ra’iisul wasaaraha Somalia  ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda dalka Shiinaha oo uu horkacayo danjiraha u fadhiya Kenya, Liu Guangyoun.

Wafdigan ayaa ahaa khubaro indha-indhayn ku samaynayay xarumihii hore ee dowladda Shiinaha ay ka dhistay Soomaaliya, kuwaasoo bur-bur xooggan ay kasoo gaareen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxaana ka mid ah goobahaas, Tiyaatarka Qaranka, Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho, Isbitaal Banaadir iyo dhul ay siisay dowlada Soomaaliya dalka Shiinaha si ay uga dhistaan safaaradooda Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha oo waftiga hoggaaminaya ayaa uga horreyntii ka hadlay ujeedka booqashadooda Muqdisho iyo waxyaalaha ay damacsan yhiin inay Soomaaliya ka fuliyaan mustaqbalka dhow.

“Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka dhaxeeya xariir qota dheer oo 50 sano ka hor soo billowday, waana waddankii ugu horreeyey kuwa Bariga Afrika ku yaalla oo Shiinuhu la yeesho xariir siyaasadeed, waxaan rabnaa inaan bog cusub u furno xariirka u dhaxeeya labada dal, waxaan halkan u nimid inaan fiirino baahiyaha ka jira dalka, annagoo aad ugu rajo weyn inaan Soomaaliya dib uga bilowno dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee ku bur-buray dagaallada sokeeye,” ayuu yiri safiika Shiinaha isagoo dhanka kalana xusay inay ku dhiirri-gelinayaan shirkadaha Shiinaha inay maalgashtaan Somalia oo ay hadda ka jiraan fursado badan oo ganacsi.

Dhanka kale, ku simaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhankeeda uga mahadcelisay dalka Shiinaha sida hagar la’aanta ah ee ay uga jawaabeen baahiyaha dowladdu qabto una ballan-qadeen inay si dhaqso ah u billaabi doonaan dhaqan-galintooda.

“Waxaan halkan ku saxiixnay labadii heshiis ee ugu horreeyay oo daba socda wadahadalladii iyo heshiisyadii aan soo galnay dalkooda bishii lasoo dhaafay, waxayna sidoo kale u yimaadeen inay arkaan dhulkii la siiyay si ay safaarad uga sameystaan, waxaa kale oo intaan daba socda mashaariic waaweyn oo ay dowladda Shiinuhu ka fulin doonto dhammaan gobollada Soomaaliya,”  ayay tiri Marwo Fowziyo.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa guddoonsiiyay dhul ku yaalla xeebta Liido wafdiga Shiinaha ka socday, halkaasoo ay dhawaan ka billaabi doonaan dhismaha safaaraddooda si xiriirka labad dalka uu noqodo mid joogta ah.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya