4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2013
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Safar dhulka ah ku gaaray Magaalada Jowhar

Isniin, September 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhulka ah ku gaaray degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaas.

Wafdiga madaxweynaha oo ka koobnaa wasiir ku xigeenno, xidhibaanno iyo taliyeyaasha ciidamada ayaa waxay kulammo la yeelan doonaan waxgaradka iyo bulshada gobolkaas, sidoo kalena waxay la kulmi doonaan maamulka ka jira gobolkaas.

Ma jiro wax caqabad ah oo uu madaxweynuhu kala kulmay safarkiisa dhulka ah ee uu ku gaaray degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

“Socdaalka madaxweynaha uu ku tagay Jowhar wuxuu qayb ka yahay kuwo uu ku tagayo gobollada dalka uuna kula tashanayo shacabka ku nool si loo helo fikirrada bulshada ee ku aaddan sidii ay maamullo u sameyn lahaayeen,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadkii hore safar noocan oo kale ah ku tagay degmada Marko oo 90-km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, inkastoo uu weerar la kulmay intii uusan gaarin Marko.

Ammaanka degmada Jowhar iyo waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana xiran ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka degmada Jowhar.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa shalay safar noocan oo kale ah ku tagay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo uu ku sugnaa tan iyo xalay, isagoo xalay kulammo la yeeshay waxgaradka gobolka Hiiraan, markii uu saakay kasoo baxayayna wuxuu tababar u soo xiray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Safarrada madaxweynaha Somalia uu ku tagayo gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa waxay kusoo beegmayaan xilli 16-ka bishan lagu wado in dalka Belgium uu ka furmo shir looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya