4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafigiisa oo saakay ku Wajahan Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Isniin, September 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo xalay ku hoyday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saakay oo Isniin ah kusoo wajahan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shbaeellada Dhexe oo ay ka baaqdeen shalay.

Wafdiga madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay maraan dhulka iyagoo ka ambabaxaya Muqdisho, waxaana si aad ah loo adkeeyay amniga degmada iyo waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kaasoo lagu wado inuu soo maro marka uu dhameysto booqashada uu ku tagayo Jowhar.

Safarka madaxweynaha uu ku tagayo degmada Jowhar oo dhowr saacadood qaadanaya ayaa inta uu joogo wuxuu la kulmi doonaa waxgaradka, qaybaha bulshaa iyo maamulka gobolka iyo kan degmada Jowhar.

“Ammaanka degmada Jowhar aad ayaa loo adkeeyay, meel walba waxaa ku sugan ciidammo hubeysan oo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM, qaar ka mid ah goobaha ganacsigana waa xiran yihiin,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Jowhar oo la hadlay HOL.

Goobjoogaha ayaa sheegay inay degmada ka socoto qabanqaabo xooggan oo lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo ku fool leh degmada Jowhar.

Booqashada madaxweynaha uu ku tagayo degmada Jowhar ayaa qayb ka ah booqashooyin uu tan iyo toddobaadkii hore ku kala bixinayay degmooyin iyo gobollo ka tirsan Soomaaliya, kuwaasoo uu ugu kuurgalayo xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka ku nool halkaas iyo sidii ay maamullo u soo dooran lahaayeen.

Sidoo kale, wuxuu shacabka kala tashanayaa shirka ka furmaya magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, kaasoo looga hadlayo dib u dhiska dalka Soomaaliya, kaddib 22-sano oo colaado ay ka socdeen.

Qorshayaasha safarrada madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah sidii loo hir-gelin lahaa hindise-sharciyeedka maamul u sameynta gobollada dalka, kaas oo uu baarlamaanka Soomaaliya horay u ansixiyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya