4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2013
Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta ku wajahan Magaalada Baldweyne ee Gobolka Hiiraan


Axad, September 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira labada gole ee dowladda iyo saraakiil ciidan oo lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ka socoto qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo.

Safarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, isagoo ka baaqday in uu safar ku tago degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Ujeeddada safarka uu madaxweynuhu ku tagayo degmada Baladweyne ayaa wuxuu qayb ka yahay safarro uu ku tagayo dhammaan deegaannada dalka, isla markaana uu kala tashanayo shacabka Soomaaliyeed qorshaha New deal oo shirkiisa uu 16-ka bishan ka furmo doona dalka Belgium.

Sidoo kale, qorshaha booqashada madaxweynaha ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa lagu sheegay inay qayb ka tahay sidii maamullo ay dadku soo doorteen looga hirgelin lahaa gobollada dalka Soomaaliya.

Wafdi hordhac ah oo ka tirsan wafdiga madxweynaha ayaa saaka gaartay degmada Baladweyne, waxaana ammaanka guud ee degmadaas ayaa waxaa adkeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa kale ee ku sugan gobolkaas oo ay ka mid yihiin kuwa ka socda dalka Jabuuti oo qayb ka ah AMISOM.

Madaxweynaha Somalia ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda booqdo magaalada Kismaayo, halkaasoo uu ka taliyo maamul hoos-yimaada Sheekh Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray Kismaayo, iyadoo booqashadan lagu sheegay inay qayb ka tahay booqashada uu ku tagayo gobollada dalka.

Sheekh Axmed Madoobe oo shalay yimid Muqdisiho ayaa sheegay in sababta uu u yimid ay ka mid yihiin dhameystirka heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa iyo soo xiritaanka buuggii Jubbooyinka ee ka furnaa Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu bishan 16-keeda uu qayb ka hoggaamiyo shirka looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya kaasoo ku saabsan sidii dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya kaddib 22-sano oo colaado ay ka jireen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya