4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2013
Hoggaamiyaha Maamulka KMG-ka ah ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe oo kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho


Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa lagu wadaa inuu markii ugu horreysay Muqdisho yimaado maalmaha soo socda, kaddib markii uu dhawaan heshiis kula soo saxiixday dowladda Soomaaliya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Axmed Madoobe iyo xubno maamulkiisa ka tirsan ay maalinta berri ka qeyb galayaan xiritaanka Shir-weynaha Qaran ee looga hadlayo geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya iyo sidii sannadka 2016-ka dalka loogu qaban lahaa doorasho.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa shalay ka sheegay magaalada Kismaayo inuu booqasho ku tagi doono Muqdisho, islamarkaana Madaxweynaha Somalia uu isna tegi doono Kismaayo, isagoo ku kaftamay in hadii Madaxweynuhu mashquulsan yahay ay Kismaayo iyagu u geyn doonaan.

Qodobbadii heshiiskii Addis ababa ayaa waxaa ka mid ahaa in Sheekh Axmed Madoobe uu hoggamiye u noqon doono maamulka KMG ah ee Jubba muddo laba sano ah, sidoo kalena uu maamulkaas sii maamulo dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Kismaayo muddo lix bilood ah.

Heshiiskan ayaa qaybo ka mid ah dalka laga soo dhaweeyay iyadoo qaybo kalena laga diiday, waxaana meelaha laga diiday ka mid ahaa gobollada Bay iyo Bakool oo sheegay inay maamul gaar ah sameysanayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa shegay in heshiiskani uu u yahay saldhig dib u heshiisiinta dalka, isagoo xusay inuu yahay mid hordhac ah oo lagu dhameystiri doono shirar ka kala dhacaya Muqdisho iyo Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya