4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigii oo diyaarad Helicopter ah ay kasoo Qaaday Degmada Marko keentayna Muqdisho

Arbaco, September 04, 2013 (HOL) — Diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxay kusoo celisay Muqdisho, kaddib laba casho oo uu safar ku joogay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay safar dhinaca dhulka ah ku gaaray degmada Marko, inkastoo Al-shabaab ay sheegtay inay ku weerareen deegaanka Buufoow, halka af-hayeenka madaxweynuhu uu beeniyay in la weeraray madaxweynaha Soomaaliya.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa salka ku haysey sidii ugu qayb geli lahaa munaasabad loo qabtay heshiis ay laba beelood wada gaareen iyo weliba sidii uu ugu kuur geli lahaa xaaladda degmada Marka.

Gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee shalay geeyay madaxweynaha Soomaaliya degmada Marko oo soo maray jidka isku xira magaalada Muqdisho iyo Afgooye ayaa la sheegayaa in qarax miino lagula beegsaday meel ku dhow degmada Afgooye.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray ayaa haddana wararku waxay sheegayaan inay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidanka soo gaaray.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu maanta kula kulmay Muqdisho wafdi ka socday dalka Sweden, isagoo xusay in dowladda Sweden ay mar walba garab taagnayd Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya