4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2013
Shakabad lagu baahin jiray Wararka Xarakada Al-shabab iyadoo illaa iminka aan la ogeyn Sababta Hawada looga saaray

Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Shabakadda Somalimemo oo si weyn u baahin jiray wararka Xarakada Al-shabaab, gaar ahaan dagaallada ay kula jirto dowladda iyo howgallada ay ka sameeyaan gobollada dalka qaarkood ayaa la xiray, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn sababta loo xiray.

Inkastoo Website-kan lagu qori jiray wararka Al-shabaab, haddana kooxdan horay u aysan sheegin inay ahayd mid ay iyadu leedahay, waxaana ay noqonaysaa shabakaddii koowaad oo wararka Al-shabaab lagu baahiyo oo sannadkan la xiro.

Shabakaddan la xiray oo isticmaali jirtay bogag dhowr ah oo kala ah: Somalimemo.net. Somalimemo.so iyo Somalimemo24.com ayaa gabi ahaantood la xiray waxaana ku qoran marka aad gasho erayo Ingiriis ah oo lagu sheegayo in la xiray “This Account Has Been Suspended”, iyadoo sannadkan laga xiray Al-shabaab baro ay ku lahayd barta Twitter-ka oo ay ku baahisay weerarkii dilkii sarkaal faransiis ahaa ee muddada dheer ay gacanta ku haysay iyo weerarkii dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall.

Maamulka shabakaddan iyo Al-shabaab ayaan weli ka hadlin sababta loo xiray, waxaana sidoo kale aan si dhab ah loo ogeyn in loo xiray wararka Al-shabaab ee ay baahin jirtay iyo iyo sababo kale loo xiray.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa taageera baro Internet iyo idaacado ka howlgala goobaha ay gacanta ku hayso, waxaana inta badan ay baahiyaan wararka ku saabsan dagaallada ay Al-shabaab la gasho ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

Shabakadda Somalimemo ayaa muddo hawada ka maqnayd bishii Febeaayo ee sannadkii hore 2012-ka, waxayna todobadkii hore si weyn u baahinaysay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

Horay ayaa Al-shabaab waxaa looga xiray shabakad ay si gaar u ahayd oo lagu magaacaabo Al-kataa’ib, taasoo lagu baahin jiray wararka Al-shabaab iyo Al-Qaacida, inkastoo ay dib u fureen.

Al-shabaab ayaa horay u sheegtay in sababta loo xirayo baraha ay leedahay ay qayb ka tahay qorshayaal lagu doonayo in dunida looga qariyo ddagallada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegaan inay kuwo jihaad ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya