3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 3 , 2013
Abuu Mansuur Al-amriki oo ku dhawaaqay inuu isaga baxay Al-shabaab iyo Al-qaacida

Talaado, September 03, 2013(HOL) :- Cumar Hammami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-amriki  ayaa shaaca ka qaaday in uu gabi ahaanba isaga baxay uruweynaha Al-qaacida iyo Al-shabaab oo uu hore uga tirsanaa.

Masuulkan oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in maanta wixii ka danbeeya uusan ka mid ahayn Al-shabaab iyo Al-qaacida, wuxuuna intaa ku daray in uu naftiisa uu kala baqayo hogaamiyaha xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Abu zubeyr.

Cumar Hammami ayaa sheegay in uu imika ku suganyahay oo uu ku dhuumaaleeysanayo dhul keyn ah oo ku yaal gobollada Bay iyo Bakool, wuxuuna intaa ku daray in Xarakada Al-shabaab ay gacanta ku dhigtay laba xaas oo uu lahaa, isagoona sidoo kale sheegay in la dilay nin hoy siiyay xaasaskiisa.

Cumar Hammami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-amriki ayaa marar badan oo hore waxa uu baraha internetka soo dhigay muuqaallo uu uga cabanayay in nafsadiisa ay Qatar ku jirto islamarkaana masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab ay qorsheynayaan in ay dilaan.

Ninkan kasoo jeeda dalka Mareeykanka ayaa waxa uu soo gaaray Soomaaliya sanadii 2006, waxa uuna xubin sare kasoo noqday xarakada Al-shabaab isagoo ka qeybqaatay dagaallo badan oo ay Al-shabaab gudaha Soomaaliya kula gashay ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, walow markii danbe uu khilaaf soo kala dhexgalay rag uu isagu ka mid ahaa iyo hogaanka sare ee Al-shabaab.

Dowladda Mareeykanka ayaa hore ugu yaboohday lacag gaareeysa shan Milyan in ay siin doonto cidii soo sheegta war ama xog suurogelineeysa in gacanta lagu dhigo rag uu kamid yahay Cumar Hammami.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.


 













Click here
9/3/2013 3:51 PM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa bilaabay samaynta wadadda Boqol iyo kontonka loo yaqaan ee waqooyiga magaaladda Hargeysa, kaas oo isticmaali doonaan gaadiidka xamuulka ka soo qaadda Dekadda Berbera ee ku socda Itoobiya.

9/3/2013 3:47 PM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Jen. C/samad Cali Shire ayaa maanta dhagax dhigay dugsi sare oo laga hirgelinayo degmada Taleex ee gobolka Sool.

9/3/2013 3:36 PM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Kulan doorasho ah oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ganacsade C/rashiid Shire Il-qayte loogu doortay guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir, kaddib markii uu ka adkaaday haweenkay xilkaas kula tartamaysay.

9/3/2013 11:01 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu horkacayay madaxweynaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyadoona ay wehlinayeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka.

9/3/2013 9:55 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya, Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim ayaa maanta Muqdisho ka furay shirkii wada-tashiga barnaamijka Higsiga Cusub “ New Deal” oo socon doona saddex maalmood. Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin ka kala socda laamaha dowladda, xildhibaanno iyo ururrada bulshada rayidka ah.

9/3/2013 9:35 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Inta la ogyahay laba qof ayaa ku dhintay tiro ka badan toban qof oo kalena way ku dhaawacmeen dab ka kacay goob shidaalka lagu kaydiyo oo ku taalla agagaarka dhismaha Say-biyaano ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

9/3/2013 7:30 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in la weeraray gaadiid uu la socday madaxweynaha Soomaaliya oo degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose ku socday, kaddib markii Al-shabaab ay sheegtay inay weerartay gaadiidkii uu madaxweynuhu la socday.

9/3/2013 6:53 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) - Ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira dawlada Soomaaliya ayaa shaaciyay in weerar ay ku qaadeen gawaari kolonyo ah oo galbinaysay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo maanta safar dhulka ah ku aaday magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

9/3/2013 3:50 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar dhulka ah ku gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo tani ay noqonayso booqashadii ugu horreysay oo dhinaca dhulka ah oo madaxweynuhu uu ku tago deegaanno ka mid ah Soomaaliya.

9/3/2013 3:28 AM EST
Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa waxaa xalay kulan ku yeeshay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Tedros Adhanom. Kulanka ayaa ka dhacay Hotel Sheraton.