4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 3 , 2013
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland oo dhagax-dhigay Dugsi sare oo laga hirgelinayo Magaalada Taleex (SAWIRRO)


Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Jen. C/samad Cali Shire ayaa maanta dhagax dhigay dugsi sare oo laga hirgelinayo degmada Taleex ee gobolka Sool.

Xafladda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qayb-galay wafdi isugu jira barlamaanka iyo xukuumadda Puntland, maamulka degmada Taleex, bahda  waxbarashada iyo dadweyne kala duwan.

Ugu horreyn waxaa ka hadlay xafladda dhagax-dhigga oo lagu qabtay dugsiga sare ee degmadan duqa degmada Taleex, Maxamuud Cali Warsame isgaoo soo dhaweeyey dhisitaanka dugsigan sare iyo wax qabadka xukuumadda Puntland ay maalmahan ka fulinayso degmada Taleex.

Maamulaha dugsiga sare ee Taleex, Sheekh Daahir oo isna hadlay ayaa ka hadlay baahiyaha ka taagan dugsiga sare ee Taleex oo uu sheegay inuusan lahayn Laab, wuxuuna dawladda Puntland ku amaanay mashaariicda arrimaha bulshada wax-tarka u leh ee ay ka fulinayso Taleex.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland, Cabdi Ibraahim Warsame oo hadal kooban isna ka jeediyey munaasabadda ayaa ku amaanay kaalintii ay ka qateen deeqdii waxbarsho ee Turkiga 2011-kii oo imtixaankii lagu qaaday Garoowe ay ardaydii ugu badnayd ee ku baastay ay ahaayeen kuwo wax ku bartay dugsiga sare ee Taleex.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Jen. Cabdisamad Cali Shire oo intaas kaddib dhagax-dhigay dugsiga sare ayaa ka  hadlay ahmiyadda waxbarshada iyo kaalinta Puntland ay siinayso, wuxuuna nasiib-darro ku tilmaamay inaysan badi ardayda reer Taleex aysan galin imtixaankii dugsiyada sare ee Puntland ka dib markii buu yiri ay jaahwareeriyeen dad wax magarto ah oo aan eegayn danta ardayda.

Jen. Shire ayaa u mahad celiyay qaar ka mid jaaliyadaha dibadda ee reer Taleex oo ay madashan ka magacabay gudoomiyaha degmada Taleex wuxuuna ku booriyey inay sii wadaan tageerada ay la garab taagan yihiin bulshadooda.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo sagaal maalmood ku sugan degmada Taleex ayaa  hore u furay ceel biyood xilligan biyihiisa la gaaray waxaa kale oo uu soo afmeeray xurguf u dhaxaysay laba belood oo walaalo ah beritina la filayo in lagu dhaqaawo go’aamadii lagu hishiiyey.





Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool