4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 3 , 2013
Ganacsade Cabdirashiid Shire Il-qayte oo Maanta loo doortay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir (SAWIRRO)


Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Kulan doorasho ah oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ganacsade C/rashiid Shire Il-qayte loogu doortay guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir, kaddib markii uu ka adkaaday haweenkay xilkaas kula tartamaysay.

Goobta ay ka dhacday doorshada waxaa ku sugnaa, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed (Tarsan), mas’uuliyiin ka socotay rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo xubno kale.

C/rishiid Il-qayte oo doorashadiisa kaddib hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilkan loo doortay, wuxuuna ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono horumarinta ganacsiga gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiintii ka hadlay intii kulanka doorashadaha uu socday ayaa waxay sheegeen inay muhiim tahay in la horumariyo ganacsiga iyo wax-soo-saarka dalka, taasoo ay sheegeen inay tahay midda keliya ee dalka uu horumar ku gaari karo.

Duqa Muqdisho, Maxamuud oo isaguna ka hadlay halkaas ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo  in ganacsatada gobolka Babnaadir ay doortaan hoggaan ay ku mideysan yihiin, isagoo xusay in loo baahan yahay inay ka qayb-qaataan dhisidda iyo horumarinta dalkooda.

Haween ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihii in loo doorto ganacsatada gobolka Banaadir hoggaan, iyagoo ka dalbaday madaxa cusub ee rugta ganacsiga gobolka Banaadir inuu ka shaqeeyo horumarinta ganacsiga gobolka iyo isku soo dhaweynta ganacsatada.

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed, C/kariin Maxamuud Gabeyre isagoo sheegay inay wax lagu farxo tahay in maanta la doorto guddoomiyaha ganacsatada gobolka Banaadir.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya