3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 3 , 2013
Dab khasaare kala duwan geystay oo ka kacay goob shidaalka lagu kaydiyo oo ku Taalla Siliggii Mareykanka ee Muqdisho

Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Inta la ogyahay laba qof ayaa ku dhintay tiro ka badan toban qof oo kalena way ku dhaawacmeen dab ka kacay goob shidaalka lagu kaydiyo oo ku taalla agagaarka dhismaha Say-biyaano ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Dabkan oo aan la ogeyn wixii sababay ayaa wuxuu burbur xooggan u geystay garaashyo lagu kaydiyo shidaalka iyo dhismayaal isugu jiray kuwo ganacsi iyo kuwo deegaan ah oo ku dhawaa goobta uu dabku qabsaday.

“Garaashyo lagu kaydiyo shidaalka oo ku yaalla Siligga Mareykanka ayuu dab xooggan ka kacay, waxaana ku dhintay inta aan arkay laba qof oo ku jiray goobta uu dabku ka kacay, waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo qof oo kale,” ayuu yiri goob-jooge ganacsi ku haysta meel ku dhow halkaas.

Shacabkii ku noolaa guryaha ku dhow goobta uu dabku ka kacay ayaa bilaalay inay isaga cararaan guryahooda, iyagoo ka baqdin qaba inuu dabku soo gaaro, maadaama guryo ku dhowr halkaas ay gubteen.

Dukaammada ganacsiga iyo bakhaarro ku dhow isla goobtaas ayaa waxaa laga daad-gureynayaa alaabooyinkii yaallay, iyadoo dabkuna uu ahaa mid si aad ah u fidiyay, inkastoo hadda la hakiyay.

Ciidammo fara badan ayaa ku sugan goobta, kuwaasoo ka ilaalinaya dadku inay galaan halkaas, waxaa sidoo kale ku sugan ciidamada dab-demiska, kuwaasoo iyaguna ku howlan inay dabkaas damiyaan.

Qaraxyada ay sameynayaan fuustooyinka uu shidaalku ku jiro ayaa goobta iyo agagaarkeeda laga maqlayay, iyadoo dabkan uu noqonayo kii ugu xoogga badnaa ee sannadkan ka kaca Muqdisho.

Khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabkan ayaan illaa hadda la ogeyn, iyadoo shidaal fara badan uu ku gubtay halkaas, sidoo kalena ay gubteen guryo iyo goobo ganacsi oo ku dhawaa halka uu dabku qabsaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/3/2013 4:06 PM EST
Cumar Hammami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-ameeriki ayaa shaaca ka qaaday in uu gabi ahaanba isaga baxay uruweynaha Al-qaacida iyo Al-shabaab oo uu hore uga tirsanaa.

9/3/2013 3:51 PM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa bilaabay samaynta wadadda Boqol iyo kontonka loo yaqaan ee waqooyiga magaaladda Hargeysa, kaas oo isticmaali doonaan gaadiidka xamuulka ka soo qaadda Dekadda Berbera ee ku socda Itoobiya.

9/3/2013 3:47 PM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Jen. C/samad Cali Shire ayaa maanta dhagax dhigay dugsi sare oo laga hirgelinayo degmada Taleex ee gobolka Sool.

9/3/2013 3:36 PM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Kulan doorasho ah oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ganacsade C/rashiid Shire Il-qayte loogu doortay guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir, kaddib markii uu ka adkaaday haweenkay xilkaas kula tartamaysay.

9/3/2013 11:01 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu horkacayay madaxweynaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyadoona ay wehlinayeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka.

9/3/2013 9:55 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya, Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim ayaa maanta Muqdisho ka furay shirkii wada-tashiga barnaamijka Higsiga Cusub “ New Deal” oo socon doona saddex maalmood. Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin ka kala socda laamaha dowladda, xildhibaanno iyo ururrada bulshada rayidka ah.

9/3/2013 7:30 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in la weeraray gaadiid uu la socday madaxweynaha Soomaaliya oo degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose ku socday, kaddib markii Al-shabaab ay sheegtay inay weerartay gaadiidkii uu madaxweynuhu la socday.

9/3/2013 6:53 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) - Ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira dawlada Soomaaliya ayaa shaaciyay in weerar ay ku qaadeen gawaari kolonyo ah oo galbinaysay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo maanta safar dhulka ah ku aaday magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

9/3/2013 3:50 AM EST
Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar dhulka ah ku gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo tani ay noqonayso booqashadii ugu horreysay oo dhinaca dhulka ah oo madaxweynuhu uu ku tago deegaanno ka mid ah Soomaaliya.

9/3/2013 3:28 AM EST
Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa waxaa xalay kulan ku yeeshay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Tedros Adhanom. Kulanka ayaa ka dhacay Hotel Sheraton.