4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 3 , 2013
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya oo xalay Addis Ababa ku qaabilay Madaxweynaha Maamulka Puntland
Shir Puntland Itoobiya Addis Ababa.jpg
Talaado, September 03, 2013 (HOL) —
Xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa waxaa xalay kulan ku yeeshay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Tedros Adhanom. Kulanka ayaa ka dhacay Hotel Sheraton.

Labada mas'uul ayaa isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen: xoojinta xiriirka labada dhinac -Itoobiya iyo Puntland- iyo weliba dardar-gelinta iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo ammaanka.

Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Itoobiya ku ammaanay kaalinta muuqata ee ay ku leedahay dadaallada loogu jiro sidii qarannimada Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa.

Mudane Faroole ayaa dhinaca kale uga mahadceliyey Itoobiya dowrkii ay ku lahayd heshiiskii ay asbuucii hore magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka kumeel gaarka ah ee Jubba.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Tedros Adhanom  ayaa isna dhankiisa sheegay in Puntland ay qeyb libaax ku lahayd dhamastirka tubtii nabadda ee ay ku timid dowladda xilligan Soomaaliya ka jirta ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Tedros Adhanom ayaa ugu dambeyntii sheegay in Itoobiya ay ka go'an tahay in Soomaaliya ay gacan ku siiso sidii ay dib qarannimadeeda ula soo noqon lahayd, islamarkaana ay uga gudbi lahayd caqabadaha hor taagan.

Wefdiga madaxweynaha Putland oo shalay soo gaarey magaalada Addis Ababa, waxaa lagu wadaa in maanta ay kulan la qaataan mas'uuliyiin uu kamid yahay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland