4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2013
Sarkaal horay uga tirsanaa Ciidamada Gaarka ah ee Kenya oo la sheegay in uu Hoggaaminayay Weerarkii Westgate Mall

Axad, September 29, 2013 (HOL) — Telefishinka Channel 4 ayaa sheegay in la ogaaday in weerarkii xarunta ganacsiga ee Westgate Mall uu hoggaamiye ka ahaa nin u dhashay dalka Kenya oo horay uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee dalkaas.

Ninkan oo lagu macaabo Cumar ayaa la sheegay inuu ahaa masiixi balse uu diinta Islaamka qaatay sannado dambe, isagoo tababar ku qaatay saldhig ay Al-shabaab ku leedahay deegaanka Raas-kambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Cumar ayaa la sheegay inuu sannadkii 2005 safar ku yimid Soomaaliya oo uu ku biiray Al-sbabaab, isagoo dib ugu laabtay Kenya, kaddib muddo badan oo uu tababare u ahaa xoogagga Al-shabaab ee Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in isaga iyo ruux kale oo Somali ah ay hormuud  u ahaayeen weerarkii Westgate Mall kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 76 qof oo ay ku jiraan ciidamada Kenya iyo shank a mid ah kooxihii weerarka geystay.

Ninka Soomaaliga ah ayaa la sheegay in lagu magacaabo Khadab uuna ka mid ahaa dadka ganacsiga ku haystay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi halkaasoo ay daggan yihiin Soomaalida ku nool xarunta dalka Kenya.

Khadab ayaa la sheegay in lagu xiray Soomaaliya ayna jirdil u geysteen ciidammo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ee CIA-da oo Muqdihso ku leh saldhig ay baaritaannada ku sameeyaan.

Wararka ayaa sheegaya in markii la xirayay Khadaab uu ka yimid deegaan ay maamusho Al-shabaab, inkastoo markii dambe la iska sii daayay, isagoo u wareegay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dowladda Kenya weli kama aysan hadlin warkan ku saabsan in weerarkii Westgate Mall uu hoggaaminayay nin u dhashay dalka Kenya oo ka mid ahaa Xarakada Al-shabaab, inkastoo ay horay u soo baxeen warar lagu sheegay inay weerarkaas hoggaaminaysay haweeney u dhalatay Britain.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa horay u sheegay in weerarkaas ay iyagu abaabuleen ayna fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan xoogaggooda oo horay loogu diyaariyay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya