4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2013
Waddooyinka Muhimka ah ee Muqdisho oo xiran iyo wafdigii uu Horkacayay Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kusoo laabtay

Axad, September 29, 2013 (HOL) — Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa xiran saakay, iyadoo lagu arkayo ciidammo fara badan oo kuwa dowladda Soomaaliya ka tirswan, kuwaasoo u diidaya inay maraan gaadiidka kala duwan.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho saakay aroortii hore, kaddib laba toddobaad oo uu dalka uga maqnaa safar shaqo.

“Isgoyska KM-4, jidka garoonka diyaaradaha iyo jidka Maka Al-mukarama ayaa xiran, waxaana ku sugan ciidammo fara badan oo diidaya inay halkaas gaadiidku maraan, balse shacabku way iska lugeynayaan,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada dukaamada ku leh isgoyska KM-4 oo la hadlay HOL.

Ganacsadahan ayaa sheegay in xalay la keenay ciidamadaas, sababta loo xirayna aan la ogeyn, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo xalay lagu soo bandhigay Muqdisho sideed qof oo lagu soo qabqabtay waxyaabo qarxa oo isugu jira, miinooyin iyo hoobiye.

Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa oo saakay soo laabtay ayaan waxay soo mareen intii ay safarka ku jireen dalalka Belgium, Talyaaniga iyo sidoo kale Mareykanka, halkaasoo ay kaga qaybgaleen shirar kala duwan.

Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin sababta keentay in la xiro qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo jidadka la xiray ay yihiin kuwa ugu istimcaalka badan caasimadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya