3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 28, 2013
Xarakada Al-shabaab oo u hanjabtay ciidamada Jabuuti ee u sugan Gobolka Hiiraan qaybtana ka ah Howlgalka AMISOM


Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horreysay u hanjabtay ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan, iyagoo ugu baaqay inay Soomaaliya isaga baxaan haddii kale ay beegsan doonaan.

Sheekh Fu’aad Maxamed Shangole oo ka mid ah saraakiisha sar-sare ee Al-shabaab ayaa ka sheegay masaajid ku yaalla degmada Buulo-burte shalay oo Jimco ahayd inay beegsan doonaan haddii ciidamada Jabuuti aysan ka bixin Soomaaliya.

“Dalka Jabuuti waa naga dhexeyn jiray walaalnimo iyo Islaamnimo, laakiinse maanta waxba nagama dhexeeyaan, waayo waxay soo kaalmeeyeen dalal gaalo ah oo aan dagaal kula jirno. Waxaana madaxweynahooda Ismaaciil Cumar Geelle leenahay ciidamadaada nagala bax, haddii kale waan beegsan doonnaa,” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Shangole.

Sidoo kale, Sheekh Fu’aad ayaa sheegay inay u diyaarsan yihiin rag qaraxyo ka geysta gobolka Hiiraan, ayna ciidamada Jabuuti qayb ka yihiin kuwa ay beegsan doonaan haddii aan si dhaqso ah looga saarin Soomaaliya.

“Waxaa noo diyaarsan dhallinyaro qaraxyo fuliya, waxayna beegsan doonaan cid walba oo cadow ku ah diinta Islaamka, ciidamada Jabuuti qayb ayay ka noqonayaa haddii aan laga saarin Soomaaliya,” ayuu hadalkiiisa ku daray Fu’aad Shangole.

Dhanka kale, Sheekh Fu’aad ayaa ugu baaqay dalalka Uganda, Burundi iyo Kenya inay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, haddii kale ay la kulmi doonaan weerarro xanuujiya, ayna la bixi doonaan dhallinyaradooda oo ku dhintay ama ku dhaawacmay Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay weerartay xarunta ganacsiga ee Westgate Mall toddobaadkii hore waxay warbaahinta uga digayeen dalalka ay ciidamadu kaga sugan yihiin Soomaaliya, waxaana digniinahaas durba qaatay dalalka Uganda iyo Burudi oo adkeeyay ammaanka dalalkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/28/2013 9:19 AM EST
Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay xarunta Qaramada Midoobay ee New York xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, isagoo kala hadlay sidii loo kobcin lahaa wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya.

9/28/2013 8:52 AM EST
Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Golaha wasiirada xukuumada Somalia ayaa kulan gaar ah ka yeeshay maanta xaaladda gobollada Banaadir iyo Shabeellada dhexe, waxaana kulanka shir-guddoominayay ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka kheyraadka dalka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaana kulankan lagu casuumay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

9/28/2013 8:43 AM EST
Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku geeriyooday, in ku dhow toban qofna way ku dhaawacmay ka dib markii afar baabuur isla goob kaliya shil ku galeen duleedka magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

9/28/2013 3:30 AM EST
Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Banaanbax looga soo herjeeday wareeradii dhawaan ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, gaar ahaan suuqa Westgate Mall ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

9/28/2013 3:28 AM EST
Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Xildhibaan C/llaahi Jaamac oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ahna xubin ka tirsan guddiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in federaal ku saleysan hab beeleed uu horseedi karo dagaallo sokeeye.