4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 28, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada New York (SAWIRRO)


Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay xarunta Qaramada Midoobay ee New York xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, isagoo kala hadlay sidii loo kobcin lahaa wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya.

Ban-Ki-Moon ayaa ammaanay hoggaanka Soomaaliya iyo howsha isbedelka ah ee ay dalka ka wadaan, isagoo intaas ku daray in Qaramada Midowbey ay mar walba diyaar u tahay inay taageerto dowladda cusub ee Soomaaliya iyo hoggaankeeda.

Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in sida loogu soo dhaweeyay xarunta Qaramada Midoobay, isagoo ku daray hadalkiisa in dowladdiisu ay dadaal ugu jirto sidii Soomaaliya ay dib ugu soo laaban lahayd saaxada calaamka.

Madaxweynuhu wuxuu ka warbixiyay guulihii ay dowladda Somaliyeed ay gaartay muddadii halka sano ahayd ee ay xilka haysay, wuxuu kaloo xusay in nabadgalyadu ay arrinta ay xoogga saarayaan, sidoo kalena ay si aad ah uga shaqeyn doonaan ilaalinta xuquuqul aadanaha, shirkii Brussels iyo guud ahaan horumarinta dalka.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka codsaday xoghayaha guud ee Qaramad Midoobay in taageero buuxda la siiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay uga hortagaan khatarta Al-Shabaab ka imaan karta.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka codsaday Ban-Ki-Moon in shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Somalia ay u soo guuraan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si ay halkaas uga howlgalaan.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya